Mo Jama

Mo Jama Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mo Jama, Somali Region.

Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS ayaa subaxnimadii h**e ee saaka soo diyaariyay wareegiii 3aad ee Jimicsi wadaree...
27/08/2026

Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS ayaa subaxnimadii h**e ee saaka soo diyaariyay wareegiii 3aad ee Jimicsi wadareedka oo qayb ka ah barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga.

Jimicsi wadareedkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiinta Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS oo uu ugu h**eeyo Wasiirka Xafiiska Mudane Maxamed Mahdi, qaar ka mida masuuliyiinta xafiisyada heer deegaan, shaqaalaha dawlada, bahda ciyaaraha iyo booliska deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo jimicsigan ujeedadiisu ahayd kor u qaadida caafimaadka bulshada iyo yareynta xanuunada.

Mudane Maxamed Mahdi, Wasiirka Xafiiska Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha DDS ayaa tilmaamay in Jimicsigan uu qayb wayn ka qaadanayo jidh dhiska iyo caafimaadka maskaxda, isagoo bulshada ugu baaqay inay sameeyaan jimicsi iyo ciyaaraha kale ee lamidka ah si ay u dhismaan ugana hortagaan xanuunada laga qaado jimicsi la'aanta.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Fulinta DDS ee Sannad...
26/08/2026

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Fulinta DDS ee Sannad-Miisaaniyaddeedka 2019 T.I. Ajandayaasha horyaallay Golaha ayaa ka koobnaa afar (4) qodob oo kala ah:

1. Warbixinta arrimaha Wadatashiga Qaran; Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa Golaha warbixin guud ka siiyay xaaladda guud ee dalka iyo tan deegaanka, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha wadatashiga qaran iyo doorka Deegaanka Soomaalida.

2. Hirgelinta talo-bixintii Golaha Xildhibaannada ee Miisaaniyadda 2019 T.I;Goluhu wuxuu ka arrinsaday, isla markaana ansixiyay hirgelinta talooyinkii iyo go’aamadii Golaha Xildhibaannada ee la xidhiidhay Miisaaniyadda sannadka 2019 T.I., si waafaqsan mudnaanta horumarineed iyo baahiyaha bulshada deegaanka.

3. Dhismaha Golaha Dib-u-habaynta Beeraha; Goluhu wuxa uu ansixiyay dhismaha Golaha Dib-u-habaynta Beeraha, kaas oo la filayo inuu door muhiim ah ka qaato dardargelinta isbeddelka iyo casriyeynta wax-soo-saarka beeraha.

4. Ansixinta koodh-u-samaynta dhismaha Cusbitaalka Qabribayax, oo qaybo cusub lagu darayo; Goluhu wuxuu sidoo kale ansixiyay koodh-u-samaynta balaadhinta Cusbitaalka Qabribayax, taas oo qayb ka ah diyaarinta iyo hirgelinta adeeg caafimaad oo muhiim u ah bulshada ku nool magaalada Qabribayax iyo nawaaxigeeda.

Kulanwaynaha Kobcinta Awoodda Fulineed iyo Dejinta Jihada Horumarineed ee Maamulka Ku-meelgaadhka ah ee Qaab-dhismeedka ...
24/08/2026

Kulanwaynaha Kobcinta Awoodda Fulineed iyo Dejinta Jihada Horumarineed ee Maamulka Ku-meelgaadhka ah ee Qaab-dhismeedka Maamul-magaalooyinka iyo Degmooyinka Cusub ee DDS, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Jigjiga.

Kulanwaynahan oo uu soo diyaariyey Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, ayaa waxaa furay Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, oo sheegay in hoggaamintan ku-meelgaadhka ah loogu talogalay inay salka u dhigto hannaanka Qorshaha Sanad-miisaaniyadeedka 2019-ka T.I., si degdeg ahna loo bilaabo adeeg-bixinta bulshada.

Kulanka oo socon doona muddo 3 maalmood ah, ayaa xubnaha hoggaaminta ku-meelgaadhka ah lagu siin doonaa tababar la xidhiidha mowduucyo kala duwan oo ku saabsan siyaasadaha, istaraatiijiyadaha, barnaamijyada, qorshayaasha iyo hindiseyaasha horumarineed ee dalka iyo Deegaanka, kuwaas oo ay soo jeedinayaan sektarrada kala duwan ee xafiisyada heer Deegaan.

Ugu dambayn, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka DDS, Mudane Axmed Shugri Cabdi, oo ka hadlay kulanwaynaha, ayaa sheegay in hoggaaminta looga baahan yahay inay tababarka sidii loogu talogalay uga faa’iidaystaan, isaga oo sidoo kale kula dardaarmay hoggaaminta ku-meelgaadhka ah inay la yimaadaan hufnaan iyo go’aan-qaadasho shaqo oo dheeraad ah.

Khalid daahir diriye waa wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinyarada diridhabe.Wuxuu noqday Soomaaligii ugu horreeyay t...
24/08/2026

Khalid daahir diriye waa wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinyarada diridhabe.

Wuxuu noqday Soomaaligii ugu horreeyay taariikhda ee ka qayb gala tartan jidh-dhis (Bodybuilding) ah oo ka dhacay Itoobiya 🇪🇹, isagoo si sharaf leh uga dhex muuqday tartanka, kaalin muhiim ahna ka qaatay. 💪🔥

Guushaadu ma aha mid adiga kaliya kuu gaar ah, balse waa dhiirigelin iyo taariikh cusub oo aad u furtay dhalinyarada Soomaaliyeed. 👏🏽

W/q Eng Mahdi ozil

Kooxda kubada Cagta ee booliska Deegaanka Soomaalida Ayaa wada Tababarkoodii joogtada ahaa kaas oo ay ugu diyaar garooba...
18/08/2026

Kooxda kubada Cagta ee booliska Deegaanka Soomaalida Ayaa wada Tababarkoodii joogtada ahaa kaas oo ay ugu diyaar garoobayaan ka qaybgalka National league.

Guddi ka socday Ethiopia Academy ayaa maanta soo gaadhay magaalada jigjiga ee xarunta dawlada deegaanka somaalida.Ujeedd...
15/08/2026

Guddi ka socday Ethiopia Academy ayaa maanta soo gaadhay magaalada jigjiga ee xarunta dawlada deegaanka somaalida.

Ujeedda socdaalkan ayaa ahayd xulashada da’yarta hibada leh ee dhinaca ciyaaraha, gaar ahaan ciyaaraha kubadda cagta iyo ciyaaraha orodka iyadoo ujeedadu tahah si loo helo da’yar leh karti, hibo iyo mustaqbal wanaagsan, si loo siiyo fursad ay ku horumariyaan xirfadahooda ciyaareed, una gaaraan heerar sare oo ay ku matali karaan deegaankooda iyo dalkoodaba.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa magaalada Jigjiga ka furay Shirweynaha Xuska Maalinta C...
12/08/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa magaalada Jigjiga ka furay Shirweynaha Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, kaas oo sannadkan halku-dheg looga dhigay “Mawduucyo Kala-duwan iyo Himilooyin Guud.”

Shirweynaha waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Xafiiska Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DDS, Mudane Maxamed Mahdi, masuuliyiin heer deegaan ah, ururrada dhallinyarada iyo dhallinyaro ka kala socotay qaybaha bulshada.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, oo furitaanka shirweynaha ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradu yihiin awoodda ugu weyn ee lagu xaqiijin karo nabadda, horumarka iyo mustaqbalka Deegaanka, loogana baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan ilaalinta nabadda, xoojinta wadajirka bulshada iyo horumarinta dalkooda.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sidookale sheegay in dawladdu sii xoojinayso fursadaha ay dhallinyaradu kaga qayb qaadan karaan shaqo abuurka beeraha, xoolaha, ganacsiga, warshadaha, adeegyada, farsamada iyo tiknoolajiyadda,
Sidookale dhallinyarada looga baahan yahay inay xirfado bartaan, kana faa’iidaystaan fursadaha jira. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Sidookalena sheegay maadaama oo lagu jiro bilihii xagaaga laga shaqeeyo arrimaha tabarucaadka lana qabto shaqooyin waxtar u leh bulshada deegaanka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu dhallinyarada ugu baaqay inay noqdaan jiil nabadda ilaaliya, shaqada qiimeeya, aqoonta iyo xirfadda kobciya, fursadahana ka faa’iidaysta, si ay door muuqda uga qaataan dhismaha mustaqbalka Deegaanka iyo dalka.

Waxaa magaalada Jigjiga lagu qabtay Kulan-weynaha Wadatashiga Diyaarinta Qorshaha Sannad-Miisaaniyadeedka 2019 T.I ee li...
10/08/2026

Waxaa magaalada Jigjiga lagu qabtay Kulan-weynaha Wadatashiga Diyaarinta Qorshaha Sannad-Miisaaniyadeedka 2019 T.I ee lixdii maamul-magaalo ee h**e.

Kulan-weynaha oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, waxaa ka soo qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, Mudane Axmed Shukri, qaar ka mid ah hoggaaminta sare ee heer deegaan iyo masuuliyiinta lixdii maamul-magaalo ee h**e

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha S.M. 2019 T.I, nidaam ku shaqaynta iyo jihooyinka qorshe-tilmaameedka maamul-magaalooyinka, iyadoo xoogga la saarayo in qorshayaasha magaalooyinku noqdaan kuwo ka turjumaya baahida dhabta ah ee bulshada, korna loo qaado dakhliga gudaha, lana dhiirrigeliyo maalgashiga iyo shaqo-abuurka, si loo xaqiijiyo adeeg-bixin leh hufanaan iyo horumar la taaban karo.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa sheegay in magaalooyinku yihiin laf-dhabarta kobaca dhaqaalaha iyo xadaaradda bulshada, sidaas darteedna horumarintoodu ay tahay ahmiyadaha ugu h**eeya ee mudnaanta ay siisay xukuumadu . sidookalena taageerada magaalooyinka ay yihiin kuwo muujinaaya isbaddal la taaban karo oo ku yimaadda nolosha bulshada, tayada adeegyada iyo bilicda magaalooyinka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sidookale sheegay in sannad-miisaaniyadeedka 2019 T.I laga doonayo maamul-magaalooyinka inay xoogga saaraan qorshayn ku dhisan natiijo sax, kobcinta dakhliga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, nadaafadda iyo bilicda magaalooyinka, soo jiidashada maalgashadayaasha iyo fursadaha shaqo abuurka.

Dhankiisa, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, Mudane Axmed Shukri, ayaa sheegay in sannadihii u dambeeyey horumar laga sameeyey dhinacyada maamulka, qorshaynta iyo kaabeyaasha magaalooyinka, isla markaana la sii xoojinayo qorshayaasha horumarineed ee lixdii maamul-magaalo ee h**e iyo maamul-magaalooyinka cusub.

Ugu dambayn, kulan-weynaha ayaa lagu lagu falanqeeyay qorshayaasha mudnaanta u leh sannad-miisaaniyadeedka 2019 T.I, waxaana la isla qaatay in maamul magaalooyinku yeeshaan qorshe cad, bartilmaameed la cabbiri karo iyo isla-xisaabtan joogto ah, si magaalooyinka Deegaanku u noqdaan kuwo qorshaysan, dhaqaale abuura, adeegyo tayo leh bixiya, nadiif ah, cagaaran, una diyaarsan kobaca mustaqbalka.

Ciyaar yahan Mubaarak ayaa ku guulaystay xidiga ugu goolasha badnaa kooxaha horyaalka Itoobiya.
03/08/2026

Ciyaar yahan Mubaarak ayaa ku guulaystay xidiga ugu goolasha badnaa kooxaha horyaalka Itoobiya.

Jigjiga: Ololaha dhir-beerista ee saaka ka socda guud ahaan Deegaanka ayaa laga fulinayaa 91 goobood, kuwaas oo baaxaddo...
03/08/2026

Jigjiga: Ololaha dhir-beerista ee saaka ka socda guud ahaan Deegaanka ayaa laga fulinayaa 91 goobood, kuwaas oo baaxaddoodu dhan tahay 1,050.44 hektaar.

Ololahan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa barnaamij dhiig-shubid, kaas oo barbar socday hawlaha dhir-beerista.

Address

Somali Region

Telephone

+251915246422

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mo Jama posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share