Banaadir-Production

  • Home
  • Banaadir-Production

Banaadir-Production Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Banaadir-Production, Fotograf, .

BANAADIR PRODUCTION waa shirkad kuu qaban doonto adeegyo badan oo ay ka mid yihiin xayeeysiinta ganacsigaaga, duubida xaflada,aroosyada, shirarka,dhalashooyinka iwm muhiimadeenuna waa qanacsanaantada .

 :Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sar...
10/06/2026

:Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si wadajir ah kormeer shaqo ugu tagey Kulliyadda TURKSOM.

Saraakiisha Kuliyadda ayaa Taliyaasha kormeer ahaan u geeyey qeybaha kuliyaddu ka kooban tahay , waxaana warbixin dhamaystiran laga siiyey Ciidamada Boliiska iyo kuwa xoogga Dalka oo si wadajir ah loogu tababaro goobtan .

10/06/2026

Cumar Cartan iyo Caasimadda Somaaliya ee Magaalada MUQDISHO.

 :Kumannaan qof ayaa maanta buux dhaafiyay Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweynayay garsooraha ...
10/06/2026

:Kumannaan qof ayaa maanta buux dhaafiyay Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweynayay garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan.

10/06/2026

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa sida ay ii garab istaageen" Garsoore Cumar Cartan.

 -DEG:Maamulka Galmudug waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Hogaamiyaha  la doortay ee Dowladda Koonfur Galbeed Sooma...
10/06/2026

-DEG:Maamulka Galmudug waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Hogaamiyaha la doortay ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

 :Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud,...
10/06/2026

:Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesco Di Mauro, kaas oo ka dhacay Xarunta Diplomaasiyiinta Midowga Yurub ee Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska iyo taageerada dadaallada dowladda ee kor loogu qaadayo wacyigelinta bulshada.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada wacyigelinta dadweynaha, la-dagaallanka marin habaabinta ah iyo xogaha been-abuurka ah iyo khataraha sii kordhaya ee ka dhasha isticmaalka khaldan ee baraha bulshada, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara amniga, xasilloonida iyo wadajirka bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, horumarinta warbaahinta, xasilinta, dowlad wanaagga iyo kobcinta awoodda hay’adaha dowladda, isaga oo adkeeyay muhiimadda sii xoojinta iskaashiga ku aaddan warbaahinta casriga ah, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta dhaqanka iyo dalxiiska.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesco Di Mauro, ayaa xaqiijisay sida Midowga Yurub uga go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta warbaahinta masuulka ah, xoojinta adkeysiga bulshada ee ka dhanka ah xogaha khaldan iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo xasilloonida iyo horumarka dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska iyo wacyigelinta bulshada waxaana laba dhinac isla qaateen xoojinta iskaashiga.

 -DEG:Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku guuleystay doorashada Hoggaamiyaha Maamul-Goboleedka Koonfur Galbeed S...
10/06/2026

-DEG:Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku guuleystay doorashada Hoggaamiyaha Maamul-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii uu helay 88 cod. Musharraxii la tartamayay ayaa helay hal cod, halka hal codna uu xumaaday.

Doorashada ayaa waxaa ka qeyb galay 90 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed oo soo xaadiray hoolka doorashada.

10/06/2026

: Garsoore Omar Cartan oo lakulmay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Garsoore omar Arten
10/06/2026

Garsoore omar Arten

 :-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayah...
10/06/2026

:-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Bilan Bile iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport ee Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay Munaasabad lagu soo dhaweynayay Garsoore heer caalami Omar Abdulkadir Artan oo saakay dalka dib ugu soo laabtay.

Garsoore Omar Abdulkadir Artan, oo loo aqoonsanyahay midka sannadkan ugu wanaagsan garsoorka kubadda cagta Afrika, ayaa waxa uu qeyb ka yahay Garsooreyaasha heer caalami ee loo xushay in ay dhex-dhexaadiyaan Koobka Cayaaraha Kubadda Cagta Adduunka ee (World Cup)-ka, balse dowladda mareykanka ayaa ka hor istaagtay in uu galo dalkooda, taasi oo sababtay in uu saakay dalka dib ugu soo laabto.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda soo dhaweynta, ayaa waxa uu Garsoore Omar Abdulkadir Artan, ku amaanay sumcadda uu ku dhex leeyahay isboortiga caalamka, waxa uuna sheegay mar hadiiba uu tagay dalka mareykanka in ay ka dhigan tahay asigoo garsooray cayaaraha aduunka, uuna yahay shaqsi magac usoo hoyay dalkiisa iyo dadkiisa, isla markaana ay garab taagan yihiin.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Banaadir-Production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your business to be the top-listed Photography Service?

Share