Aadan media

Aadan media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Aadan media, Photographer, Mogadishu, Banadir.

Waxaa jira muuqaal qabsaday baraha bulshada gaar ahaan barta TikTok taariikhdu marka ay ahayd 23/8/2024 muuqaalkaas waxa...
04/03/2026

Waxaa jira muuqaal qabsaday baraha bulshada gaar ahaan barta TikTok taariikhdu marka ay ahayd 23/8/2024 muuqaalkaas waxaa jira nin odaya oo dhahaya oraah cajaa'iba oo soo jiidasho leh oo ahayd:
"الدنيا ساعة، فاجعلها طاعة، والنفس طماعة، الزمها القناعة"
Adi ahaan maxaa kaaga baxay oraahdan.
Soo gudbiye: Qasaali✍️

Ma Rumeeysan Kartaa Xalay kaliya Waxa Sidaan u Basbeelay ee Dhuxusha Tagaan Noqday Waa Daarihii Quruxd Badnaay ee Talaab...
04/03/2026

Ma Rumeeysan Kartaa Xalay kaliya Waxa Sidaan u Basbeelay ee Dhuxusha Tagaan Noqday Waa Daarihii Quruxd Badnaay ee Talaabiib ? Runtii wali Waan Aamini La' ahay haddii Aanan Kasoo Arki Laheyn Al_jazeera...

Alloow Waad Ku Mahadsan Tahay Sidaad Nooga Aqbashay Ducadaadenii Sanooyinka Aan Soo Wadnay,Alloow u Siyaadi Xannuunka Iyo Halaaga iilaa Aay Ka Baaba'ado Amin

12/01/2026

Wareysi aad xasaasi u ah
[Madaxweynihii yugaandha nin karti badan oo israa'iil cashar udhigay.

Idi Amin Dada (1971–1979)

War Deg Deg : Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku hanjabtay in ay beegsan doonaan goob kasta oo dhulka Somaliland kamid ah ...
28/12/2025

War Deg Deg : Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku hanjabtay in ay beegsan doonaan goob kasta oo dhulka Somaliland kamid ah oo Israa11L ay dagto.

Waa bartilmaameed Militari ayey yiraahdeen

Dhakhtarkan magaciisu waa Qamarul Islaam .. Runtii magaciisu wuxuu huwan yahay macno weyn, waana Dayaxii Islaamka.​Wuxuu...
22/12/2025

Dhakhtarkan magaciisu waa Qamarul Islaam .. Runtii magaciisu wuxuu huwan yahay macno weyn, waana Dayaxii Islaamka.

​Wuxuu dalka Bangladesh ka furay isbitaal yar oo lacag la’aan ah, kaas oo u gaar ah cudurrada kelyaha. Wuxuu si bilaash ah ugu sameeyay in ka badan 1,004 qalliin oo kelyo abuuris ah dadka danyarta ah, iyadoo guusha qalliimadaas ay gaartay 95%.

​Wuxuuna ku guuleystay billadda dahabka ah ee Ururka Dhakhaatiirta Qalliinka Kaadi mareenka, kaddib markii uu ikhtiraacay dareere qiimihiisu jaban yahay oo lagu keydiyo kelyaha qalliinka ka hor.

Sidoo kale, wuxuu heystaa shahaadada sare ee Fellowship-ka Kuliyadda Dhakhaatiirta ee Edinburgh, Scotland.

​Isbitaalkiisu wuxuu bishii qaabilaa in ka badan 500 oo bukaan, kuwaas oo dhammaan baaritaannada iyo adeegyada si lacag la’aan ah loogu sameeyo.

​Tan ugu yaabka badanse waa .. In kasta oo uu leeyahay darajo cilmiyeed sarraysa, abaalmarino iyo sharafna uu helay, haddana ma laha gaari u gaar ah

Sababtoo ah, markii uu helay fursad uu gaari ku iibsado, wuxuu doortay inuu beddelkeeda lacagtii ku iibiyo mashiinka kelyaha lagu dhaqo si uu ugu caawiyo dadka masaakiinta ah.

​Sidaas ayay dhakhtarnimadu ku tahay risaalo iyo damiir .. ee aysan ahayn shaqo kaliya.

media✍️

22/12/2025

Here is the announcement of the peace and life party
The peace and life party that stands for the development of the country and the people of somali🥰🇸🇴🇸🇴🇸🇴

Khudbadda Madaxweyne Ibraahiim TraoréMadaxweynaha Jamhuuriyadda Burkina Fasooo Ku wajahan Shucuubta AfrikaWalaalayaal, r...
19/12/2025

Khudbadda Madaxweyne Ibraahiim Traoré
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burkina Faso
oo Ku wajahan Shucuubta Afrika

Walaalayaal, rag iyo dumarba, ee ku kala nool dhammaan qaaradda Afrika,

Waxaa la gaaray xilli taariikhi ah oo naga dalbanaya inaan si geesinimo leh u furno bog cusub oo ka mid ah taariikhda Afrika bog ay qoraan gacmaheenna, ay hogaamiyaan rabitaankeena, kuna saleysan midnimo, madax bannaani, iyo karaamo buuxda.

Aniga oo ah Ibraahiim Traoré, Madaxweynaha Burkina Faso, waxaan maanta si cad ugu dhawaaqayaa aragti iyo qorshe fog oo lagu mideynayo qaaraddeenna Afrika, si ay uga gudubto kala qeybsanaanta, una xorroobto ku tiirsanaanta shisheeye ee muddo dheer dib u dhigtay horumarkeena.

Waxaan ku baaqayaa in la aasaaso “Gobollada Midoobay ee Afrika” (United States of Africa) nidaam mideysan oo ay shucuubta Afrika ku wada noolaan doonaan hal masiir, hal aragti, iyo hal himilo.

Aragtidan waxay ku dhisan tahay:

Hal nidaam dowli ah oo ku saleysan caddaalad, isla xisaabtan, iyo matalaad dhab ah

Hal lacag mideysan, oo loo bixiyo Afro Money, si loo xoojiyo dhaqaalaha Afrika loogana madaxbannaanaado nidaamyada maaliyadeed ee dibadda

Hal baasaboor Afrikaan ah, kaas oo u oggolaanaya Afrikaan kasta inuu si xor ah ugu safro dhulkiisa, laga bilaabo cirifka Waqooyi ilaa kan Koonfureed, iyada oo aan la marin caqabado dal ku gal oo visa ah ama xannibaad aan loo baahnayn

Kheyraadka dabiiciga ah ee Afrika ma ahaan doono mid ay ka faa’iideystaan kooxo kooban ama dano shisheeye, balse waxa si caddaalad ah loogu qaybin doonaa dhammaan shucuubta Afrika, si loo xaqiijiyo horumar loo wada siman yahay, loona hubiyo in aan la dayacin hal qaran ama hal qof oo Afrikaan ah.

Waa waqtigii aan si dhab ah u rumeysan lahayn in xooggeennu ku jiro midnimadeenna, isla markaana Afrika ay leedahay awood, karti, iyo hanti ku filan oo ay ku noqoto qaarad saamayn ku leh masiirka adduunka.

Afrika waxaa leh Afrikaanka.
Mustaqbalkeedana annaga ayaa leh.
Midnimo, karaamo, iyo madax-bannaani buuxda waa jidka aan dooranay.. 💪🇧🇫

Aadan media

Madaxweynaha Burkina Faso, Ibraahim Traoré, ayaa daah furay hindise guryeyn oo loogu talagalay dadka danyarta ah​Tallaab...
18/12/2025

Madaxweynaha Burkina Faso, Ibraahim Traoré, ayaa daah furay hindise guryeyn oo loogu talagalay dadka danyarta ah

​Tallaabo bini'aadantinimo oo ku dayasho, Madaxweyne Traoré ayaa shaaca ka qaaday qorshe lagu dhisayo guryo lacag la'aan ah oo loogu deeqayo qoysaska baahan iyo barakacayaasha, iyadoo ujeeddaduna tahay in ay helaan dadkaasi hoy ammaan ah, sareena loo qaado tayada nolosha

Aadan media

UGAAR AH RAGA OO KALIYA QEYBTII 2AADInta aad ku jirtid waqtiyada aan kusoo sheegay waxaad la kulmi doontaa, dhaleeceyn i...
15/12/2025

UGAAR AH RAGA OO KALIYA QEYBTII 2AAD

Inta aad ku jirtid waqtiyada aan kusoo sheegay waxaad la kulmi doontaa, dhaleeceyn iyo in ay dadku wax kaa sheegaan, ku caayaan, ku yasaan,
Adiga dhan ay kuu arkaan waxaanba jirin oo ay ku liidaan, ugu ma sii jirto hadaad tahay agoon, ama rajo, ama labaduba, waxaad Gali doontaa nolol ubaahan in loo halgamo.

Xiliyadan oo kale haku lumin waqtigaaga ciyaarta, sida kubada cagta oo kuu noqota joogto, ama inta ugu badan maalintaada in ay ayada qaadato.
Ama sida geemanka iyo wixii lamid ah.

Adiga malihid qof loogu Tala galay in uu fursadahiisa dayaco, iaamin dhaqamadadada maanta berri waad u aayi doontaa, ama waad ka qoomameyn doontaa.

Si aad unoqotid mustaqbalka dhow mid guuleysta hada sii shaqeyso, adigoon ay cidna ku dirqineynin oo ku khasbeynin. Hada adigu is dir, Isla xisaabtan, oo qorsheyso wixii dantaada ah, oo kuu wanaagsan kuuna noqon kara keyd iyo dhigaal kuu gaar ah. hada shaqeyso oo fadhiga ka kac is dhiiragali naftaadana cidna haku tiirin cidna haku Tashan ee adiga isku tasho.

Dadka hada kuu muujinaya in ay waligood garab kaaga ahaan doonaan, ogoow qaar kamid ah maalinta aad ubaahan tahay in laguu ciidmiyo cid kastaaba waxay kuula iman doontaa cudur daar aan waxba ka jirin mana arki doontid ilaa maalintaad meel iska soo saarto mooyaane .

Inta badan dadku waa af ku malabla yaal aanan lagu Tashan Karin, balse adigaa ah kan ka gudbi kara hadii uu isku dayo in uu ka talaabsado jaraanjarada cuqabadaha ee noloshiisa.

Jaraanjaro kasta waxay leedahay ulo adag oo loogu Tala galay in qofka ku istaagaayo aysan la jabin. bal kawaran dhamaan ulahaasi hadii laga jabiyo ama loo adeegsado arin fudud oo looga gudbi karo? maxaan ula jeedaa?
Aan ku fahansiiyo kawaran arin aad si dhib yar ku xalin karto hadii aad udayacdo fursado badan adigoo doonaya in aad hesho Isla jaanis yadii ku dhaafay suuragal miyaa? Wali ima fahmin sax

Aan kuu tusaaleeyo waxaad nasiib uheshay in ay kusoo marto waxbarasho bilaash ah ilaa heer jaamacadeed, waad iska indha tirtay adigoo waliba ku marmarsiyoonaya waxbarashada dalka ma ahan mid tayo leh waxaa fiican tan banaanka.(wadamada kale)
Sidaasna ay kuu dhaafto sanado kadibna aad aragto asxaabtaadii oo wax bartay una Soo baxay jamaacado dibada ah, hadii inta aad qoomameyso kadibna aad iskugu sheekeyso in aad sameysato shahaadooyin been ah, kadibna aad usafarto wadanka ay saaxiibadaa tagayaan oo aad xagaana u aado waxbarasho iyo shaqaba ma suuro gal baa? Adigoo jaahil ah aan aqoon xirfad iyo luuqad midna in aaad midaasi sameyso waliba adigoo usameynaya saaxiibadey baa sidaa falay ama wadan kale tagay anigana maxaa meesha idhigaya waa inaan ku tagaa shahaadooyin been ah aan ku tagee si aan ayaga iskaga bareejeeyo.

Fursadahaa kusoo maraya oo aan tusaalaha usoo qaatay waa ulaha jaraanjarada oo loogu Tala galay in aad ku istaagno si aad ugu gaarno Halka aad rabno. hadii aad dhamaantoodba jajabinno oo aan u isticmaalno waxyar oo la xalin karana waa cudurdaarka beenta ah ee aan nafteena ugu sheekeenno aana sidaa ku luminno jaaniska aan heysanno. In aad tagto wadan shisheeye adigoo waliba aanan aqoon xirfad iyo luuqad una sababeynaya hebel baa falee adna fal waa anagoo iska indha tirna xaalad yar oo aan si sahlan oga gudbi karno balse aan la leex leexanayno anagoo walibana doonayna in aan ugudbno marxalad kale taana suuro gal maaha.

Ruux xisaabta isku darka garan waaya kajar, ku dhufasho iyo uqeybi uma gudbi karo asagoo aan marka h**e isku darka fahmin. wax kasta waa sida jaraanjarada oo kale, mid Marka aad ka gudubto ayaad awoodeysaa in aad kan kalana ugudubto balse adigoon hoos ka gudbin kor uma talaabsan kartid, hadaad utalaabsatana waad is hor carartay
Naftaadana waad ku dhibaateyn kartaa ku deg degidda falkaasi.

Q: Aadan media

“Fadhiga wuu xiranyahay waxaan sugnaa waa go’aanka Garsooraha” | KU CIBRA QAADO| Markii Takbiirka koowaad la xirtay Sala...
14/12/2025

“Fadhiga wuu xiranyahay waxaan sugnaa waa go’aanka Garsooraha” | KU CIBRA QAADO|

Markii Takbiirka koowaad la xirtay Salaadda Janaasada ayaa mar qura waxaa safka h**e uga soo baxay ninkan odeyga ah ee Farta ku fiiqaya Maydka.(S.F.) Waxa uu hadalkiisa ku billaabay

Rabbiyow adigaa Runta Og.!

Ninkan waxaan ku aaminay 177,000 lacagta ganiga Masaarida, sideed sano ayaan ka sugayay lacagtaasi uu ii sheegay in Mashruuc shuraako kula noqonayo faa’iido bandanna aan kawada haleyno.

Rabbiyow xaqeyga aan u dhabar jabay aniga oo daryeel wanaagsan u raadinaya Carruurteeyda ayuu qabaa

Rabbiyow aniga oo arkaya ayuu qaatay Xaqeyga

Rabbiyow waxaan xanuun iyo murugo ka qaaday khiyaanadii uu igu sameeyay.

Rabbiyow wuu I khiyaamay, wiilkeyga maalin walba waxa uu igu yiraahdaa wax hebel ayaan doonayaa mana awoodi, Rabbiyow wiilkeyga ayuu ninkan igu hor dulleeyay.

Ciid walba waxa ay noo curataa aniga oo Murugeeysan oo Ooynaya

Rabbiyow waxaan la ilmeynayaa oo la murugoonayaa khiyaanadii uu igu sameeyay.

Rabbiyow Qabrigiisa jahannamo ka dhig, Deegaankiisa Jahannamo ka dhig, ilbiriqsi kastaa oo daal iyo murugo aan ku qaatay sababtiisa, Rabbiyow Kumanaan sano oo Cadaab qaraar ah uga dhig.

Dadkii oo dhan waa argagaxeen, waxa ay ku yiraahdeen iska cafi oo naga aqbal in aad qaadato lacagtaadi iyo xitaa mid ka badan. Laakin wuu diiday wuuna dhaqaaqay.

Waxaa la yaab lahaa ereygii ugu dambeeyay ee afkiisa ka soo baxa oo ahaa “ Fadhiga wuu xiranyahay waxaan sugnaa waa go’aanka Garsooraha”

Farriintaan waxa ay ku soctaa qof walba oo Dulmi laga tirsanayo in uu gar baxo ka hor inta Go’aanka aan loo dhiibin Garsooraha.✍️

Ila sawiro arrinkaan mudane iyo marwo " kaba soo qaad gudoomiyaha baarlamaanka federaalka soomaaliya oo hadalkaan leh   ...
12/12/2025

Ila sawiro arrinkaan mudane iyo marwo
" kaba soo qaad gudoomiyaha baarlamaanka federaalka soomaaliya oo hadalkaan leh " Qur'aanka wuxuu dhigaayaa soomaaliya oo ah dal muslim ah inay xaaraantahay ciidamo gaalo ah inay joogaan afrikaanka catholic-ga ama caddaanka mushaarkooda bixiyo ayagana taba baro "

laakiin dhinaca kale : madaxa aqalka wakiilada maraykanka , oo u dhigmo ( gudoomiye baarlamaan ) ayaa yiri hadalkaan
" Kitaabka muqadaska ah ee ( baybalka ) wuxuu dhigaayaa in daanta galbeed oo yuhuudu u yaqaanaan ( Yahuda & Saamira ) waxaa iska leh israaiil .

Waxaad ogaataa waqtiga diintaada lagaa fogaynaayo dhinaca kale umadahaas diimahooda ayay ku sii dhagaayaan.✍️🥰

Address

Mogadishu
Banadir

Telephone

+252619847485

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aadan media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Aadan media:

Share

Category