21/04/2026
Waa dhacdo dhiillo leh iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda Aadanaha in taliska arxanka daran ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu xabsiga ku gaajeysiinayo marwo Sacdiya Macallin Cali, oo ah hooyo Soomaaliyeed oo ku shaqeysata mooto bajaaj, ayna dowladdu afduubatay kadib markii ay si asluub leh u dhaliishay eexda iyo qaraabakiilka Madaxweynaha, taas oo ah xorriyad uu dammaanadqaaday Qodobka 18aad ee Dastuurka Qaranka.
Waxaa nasiibdarro iyo musiibo qaran ah in taliska gabbalkiisu sii dhacayo ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay ugu sifoobay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha sida barakicinta danyarta, boobka dhulka shacabka, gumaadka dadweynaha, xarigga saxaafadda, afduubka dhallinyarada, uu haddana ku kacayo gaajeysiinta maxaabiista ugu xiran sharcidarrada, taas oo ah dhaqan gurracan oo ay ku sifoobeen kalitalisyada iyo gaboodfal ka soo horjeeda karaamada muwaadinka, xuquuqda Aadanaha, shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah.
Waxaa ayaandarro ah in dhalanteedka xukunku uu Madaxweynaha ka indhatiray waaqica horyaalla, una sii xuubsiibanayo burcadnimo iyo kalitalisnimo. Waxaan xusuusinayaa in aaney Soomaaliya aqbali doonin dowladnimo ku dhisan xoog, xarig, caburin, cabsigelin, qaraabakiil, barakicin dadweyne, iyo boobka hantida qaranka. Waxaana ugu baaqayaa in uu ka joogsado falalkan arxandarrada ah ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo dhaawacaya sharciyadda dowladnimada, kalsoonida dadweynaha, geeddisocodka dowladnimada, iyo rajada dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
musharax madaxwayne xasan ali khayri