Hashi Media

Hashi Media Wacaal, Warbixino iyo Barnaamijyo xiiso leh

WASIIRKA GANACSIGA IYO DALXIISKA JSL OO BURCO KULAN MUHIIM AH LA QAATAY GANACSATADA GOBOLKA TOGDHEERBurco, Togdheer — Wa...
16/08/2026

WASIIRKA GANACSIGA IYO DALXIISKA JSL OO BURCO KULAN MUHIIM AH LA QAATAY GANACSATADA GOBOLKA TOGDHEER

Burco, Togdheer — Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Burco, halkaas oo uu kulan muhiim ah kula qaatay ganacsatada kala duwan ee Gobolka Togdheer.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Rugta Ganacsiga iyo bulshada ganacsatada, horumarinta ganacsiga gudaha, fududaynta adeegyada ganacsatada iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ganacsi oo horseeda koboc dhaqaale iyo maalgashi.

Wasiirka ayaa ganacsatada ka dhegaystay aragtiyahooda, talooyinkooda iyo caqabadaha ay kala kulmaan hawlaha ganacsi, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Wasaaraddu si joogto ah ula shaqayso ganacsatada iyo hay’adaha matala danaha ganacsiga.

“Ganacsiga dalku waxa uu ku horumari karaa xoojinta iskaashiga Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga.”
— Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku ay muhiimad gaar ah siinayso kobcinta ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga, taageerada ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe, iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya dowladda iyo qaybta gaarka loo leeyahay.

Safarka shaqo ee Wasiirka waxaa ku weheliyey qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, oo ay ka mid yihiin:

* Agaasimaha Xidhiidhka Gobollada
* Agaasimaha Cududda Shaqaalaha
* Agaasimaha Ganacsatada Yaryar

Sidoo kale, kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Gobolka Togdheer, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Togdheer, iyo Maamulaha Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Togdheer, kuwaas oo qayb ka qaatay kulanka iyo doodaha ku saabsan horumarinta ganacsiga Gobolka.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ay ku xoojinayso wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo ganacsatada, iyadoo la abuurayo fursado cusub oo lagu horumarinayo ganacsiga, maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Cabdiraxman Xasan Nuur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay...
16/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Cabdiraxman Xasan Nuur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti heer sare ah oo ka socday Hay’adda World Vision International, gaar ahaan Somali Response Innovation Lab (SomRep), oo ay hoggaamiso World Vision International, isla markaana ay ku bahoobeen hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah

Waftiga waxaa hoggaaminayey Mekailah Stephens, Maareeyaha Hal-abuurka Gobolka ahna Hoggaamiyaha Somali Response Innovation Lab, iyo Liban Mohamed, Maareeyaha Somali Response Innovation Lab ee Somaliland.

Ugu horrayn La-taliyaha Mashaariicda ee Wasaaradda, Mudane Zakariye Raage, ayaa waftiga ka siiyey warbixin ku saabsan waajibaadka Wasaaradda, qorshayaasheeda iyo dadaallada lagu horumarinayo ganacsiga, gaar ahaan ganacsiyada yaryar, kuwa dhexe iyo iskaashatooyinka.

Dhankooda, waftiga World Vision International ayaa soo bandhigay shaqada iyo ujeeddooyinka Somali Response Innovation Lab, gaar ahaan hal-abuurka, xalalka cusub iyo taageerada mashaariicda ganacsiga.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay fursadaha iskaashi iyo xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac, waxaana la magacaabay Guddi Dabagal iyo Isku-xidh ah oo dardargelin doona iskaashiga iyo fulinta qodobadii kulanka.

Kulanku wuxuu kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiga, gaar ahaan taageerada ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe iyo hal-abuurayaasha Somaliland.

13/08/2026

Badhasaabka Sanaag Ayaa Ka Hadlay weedhi Where Is The Brain?

12/08/2026

Kulan hadhimo sharafeed ah oo ay kulmeen qaar kamida waayeelka iyo wax gardka ceerigaabo.

12/08/2026

Jiif Caaqilka Guud ee Beesha Muuse, Jiif Caaqil Sharmaake Jiif Axmed, oo hoggaaminaya wefti ka yimid dalka dibaddiisa, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Cigaal International Airport ee Hargeysa.

Weftiga waxaa soo dhaweeyey Agaasimaha Guud Cali Cige, Ex-Wasiir Maxamed Duur Caraale, Guddoomiye Faysal, iyo Duqa Magaalada Burco, kuwaas oo si kal iyo laab ah u qaabilay Jiif Caaqilka iyo weftiga uu hoggaaminayo.

Danjire Cawil Cali Ducaale: Waa Tusaale Marka Waayo-aragnimada Odaygu Ka Xoog Badnaato Siyaasadda iyo Siyaasiga Maanta (...
10/08/2026

Danjire Cawil Cali Ducaale: Waa Tusaale Marka Waayo-aragnimada Odaygu Ka Xoog Badnaato Siyaasadda iyo Siyaasiga Maanta (Ragga Da’da Yar)
=========//==========//===========

Waxaan si gaar ah u daawaday waraysigii uu Geedfadhi Media siiyey Ruug-caddaa Sare Danjire Cawil Cali Ducaale, waxaana igu dhalatay inaan idhaahdo: mararka qaarkood da'du awoodda/tamarta k**a dhinto siyaasiga; waxay u beddeshaa xigmad, waayo-aragnimo iyo miisaan.

Danjire Cawil maanta waa nin da' weyn oo hawlgab ah, laakiin waraysiga uu bixiyey wuxuu, aragtidayda, ka miisaan cuslaa hadallo badan oo ay maanta jeediyaan siyaasiyiin da' ahaan xooggan, isla markaana sheegta in ay yihiin aqoonyahanno iyo rag muddo siyaasadda ku jiray. Waxa uu ku hadlayey deggenaan, xog iyo aragti uu dhacdooyinka ka eegayo meel ka fog xamaasadda siyaasadeed ee badanaa aynu ka baranay Siyaasiga Maanta.

Aqoonsiga Israel iyo doodda “xasillooni-darrada gobolka”

Qodobka iigu xiisaha badnaa wuxuu ahaa sida uu uga jawaabay su'aalihii ku saabsanaa dhaleecaynta aqoonsiga Somaliland ka heshay Israel.

Dawladdaha aqoonsigaas ka soo horjeeda waxay marar badan ku sababeeyeen in aqoonsiga Somaliland uu keeni karo Geeska Afrika xasillooni-darro gobolka oo dhan saamaysa. Ilaa hadda, jawaab siyaasadeed oo si waafiya uga jawaabaysa dooddaas k**a aanan arag dhinacyada Somaliland ka soo jeeda, haday tahay xukuumad iyo mucaaradba ilaa siyaasi ama falanqeeye siyaasadeed oo xor ah midna.

Danjire Cawil-se wuxuu keenay dood ku dhisan waxa siyaasadda caalamiga ah looga yaqaan deterrence – isu-dheellitiridda awoodda iyo ka-hortagga weerarka.

Fikirkiisu wuxuu ahaa in haddii Soomaaliya hesho taageero ciidan iyo dhaqaale oo xooggan oo ay ka hesho Turkey iyo dalal kale, isla markaana ay rumaysato inay Somaliland ka awood badan tahay, ay suuragal tahay inay ku fikirto in arrinta Somaliland xoog lagu xalliyo. Haddii Somaliland-na ay hesho xidhiidh iyo taageero ay ka hesho dalal awood leh sida Israel, markaas waxaa dhalan kara isu-dheellitir awoodeed oo labada dhinac ka dhigaya kuwo ka fiirsada tallaabo kasta oo militari.

Si kale haddii loo dhigo: marka labada dhinac ay ogaadaan in tallaabada dagaalku leedahay kharash culus, waxaa kordhaya dhiirranaanta wada-hadalka iyo ka baaqsiga dagaalka.

Waxaan u arkay tani inay tahay jawaab siyaasadeed oo ka duwan hadallada caadiga ah ee difaaca aqoonsiga Somaliland ee warbaahinta aynu ka arkaynay bilihii ina dhaafay, sababtoo ah waxay doodda ka saartay dareen iyo hal-ku-dheg, waxayna gelisay xisaabta awoodda, danaha amniga iyo deterrence-ka.

Danjire Cawil iyo Gen. Jaamac Maxamed Qaalib

Qodobka labaad ee xiisaha lahaa wuxuu ahaa doodda ku saabsan sababihii ka dambeeyey inqilaabkii 1961.

Waxaan arkay dad badan oo isku dayaya inay iska hor keenaan aragtida Danjire Cawil iyo tii Gen. Jaamac Maxamed Qaalib. Danjire Cawil wuxuu sheegay in inqilaabka loo dhigay in dib loogu soo celiyo dawladnimadii Somaliland ee “shanta maalmood ku saqiirtay” 1-da July 1960, halka Gen. Jaamac uu sababta inqilaabka ku xidhay tabashooyin ay saraakiishu ka qabeen darajooyinka iyo qaabka loo maamulay ciidanka.

Aniga fahamkayga labada aragtiyood ama werinood si buuxda iskuma diidayaan.

Tabashada saraakiisha, gaar ahaan kuwa reer Somaliland, iyo tabashada guud ee bulshada Somaliland ay ka qabeen wixii ay kala kulmeen midowgii iyo dawladnimadii Xamar, waxay noqon karaan laba dhinac oo isku xidhan. Dareenka tabashada ayaa noqon kara dhulka uu ka dhashay fikirka ah in nidaamka jira la beddelo, halka sababta tooska ah ama ajandaha saraakiisha uu yeelan karo sharraxaad gaar ah. Waayo Soomaalidu waxay ku maahmaah daa “haddii fooli timaado guda qarshiiyo hadhan” hadiiba meesha inqilaab yimi tabasho waa lasoo dhaafay, ragga wax inqilaabay na dawlad bay rabeen ee mushahar iyo darajo way dhaafsanyihiin markan.

Sidaas darteed, labada oday waxay dhacdada ku eegayaan laba muraayadood oo kala duwan, balse taasi macnaheedu ma aha inay khasab tahay in midkood run yahay kan kalena been yahay.

Waxa ugu muhiimsan: aragtida ay kala lahaayeen

Labadan ruug-caddaa labaduba waa rag mudan ixtiraam, khibrad iyo in taariikhdooda la barto. Laakiin waxaa jira farqi weyn oo ku saabsan aragtiyihii siyaasadeed ee ay ku soo barbaareen ama soo kala lahaayeen sooyaalkoodii siyaasadeed.

Danjire Cawil wuxuu ahaa, welina yahay, nin aaminsan dawladnimada Somaliland. Gen. Jaamac Maxamed Qaalib, dhiniciisa, wuxuu muddo dheer ku taagnaa aragtida midnimada Soomaaliya iyo Soomaaliweyn.

Marka laba nin oo sidan oo kale u kala aragti duwan ay noqdaan goobjoogayaal dhacdo taariikhi ah mid weliba waxa uu la akhrinayaa wixii uu aaminsanaa, markaa waa wax dabiici ah in fasiraadda dhacdooyinka qaarkood ay kala duwanaato.

Taasi waa sababta aan u leeyahay: ha isku xoqin labada oday kala duwanaanshaha fasiraaddooda; marka h**e faham meesha uu mid weliba ku salaynayo fahamkiisii maalin lahaa ahaa iyo meesha uu mid walba taagan tahay iyo taariikhda fikir ama siyaasadeed ee uu ka soo jeedo.

Ugu danbayn, Waraysiga Danjire Cawil wuxuu i xusuusiyey hal arrin oo muhiim ah: siyaasaddu ma aha oo keliya qofka inta uu da' yahay ama xilka uu maanta hayo; waxaa ka muhiimsan waxa uu soo arkay, waxa uu fahmay iyo awoodda uu u leeyahay inuu waayo-aragnimadiisa si deggan ugu gudbiyo jiilka maanta iyo jiilasha danbe ba.

Ruug-caddaanimadu waa hanti qaran haddii waayo-aragnimada loo adeegsado fahamka taariikhda, halkii loo adeegsan lahaa xamaasad siyaasadeed sida inta badan dhacda ee aynu wada naqaano.

Allaa Mahad Leh,
----------------------
W/Q: Maxamed Xuseen Caydiid

10/08/2026

''Berbera waxaanu keenay Mashiinka casriga ah ee CT-Scan, ma faano ee wax baanu qabana.....'' Wasiirka Caafimaadka JSL

07/08/2026

Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u jeediyey Wakiillada Beesha Caalamka ee uu fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi.

06/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey Gobolka Sanaag mishiin casri ah oo noociisu yahay CT-Scan, kaas oo muddo dheer ay baahi weyn u qabeen bulshada gobolka, gaar ahaan dadka adeegyada caafimaadka u siiyo Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo

06/08/2026

Qaarka Mida Waayeelka Siyaasiynta Xildhibaanada MS Ayaa Soo Dhoweyey Hashisinta Ka Socota Magaalada Ceerigaabo Ee Labada Beelood Muse Turwa Iyo Jibril Tuurwaa ...

Address

Street 7
Ceerigaabo

Opening Hours

Monday 10:00 - 22:00
Tuesday 10:00 - 22:00
Wednesday 10:00 - 17:00
Thursday 10:00 - 17:00
Friday 16:00 - 22:00
Saturday 10:00 - 22:00
Sunday 10:00 - 22:00

Telephone

+252634864200

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hashi Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hashi Media:

Shortcuts

Share