10/08/2026
Danjire Cawil Cali Ducaale: Waa Tusaale Marka Waayo-aragnimada Odaygu Ka Xoog Badnaato Siyaasadda iyo Siyaasiga Maanta (Ragga Da’da Yar)
=========//==========//===========
Waxaan si gaar ah u daawaday waraysigii uu Geedfadhi Media siiyey Ruug-caddaa Sare Danjire Cawil Cali Ducaale, waxaana igu dhalatay inaan idhaahdo: mararka qaarkood da'du awoodda/tamarta k**a dhinto siyaasiga; waxay u beddeshaa xigmad, waayo-aragnimo iyo miisaan.
Danjire Cawil maanta waa nin da' weyn oo hawlgab ah, laakiin waraysiga uu bixiyey wuxuu, aragtidayda, ka miisaan cuslaa hadallo badan oo ay maanta jeediyaan siyaasiyiin da' ahaan xooggan, isla markaana sheegta in ay yihiin aqoonyahanno iyo rag muddo siyaasadda ku jiray. Waxa uu ku hadlayey deggenaan, xog iyo aragti uu dhacdooyinka ka eegayo meel ka fog xamaasadda siyaasadeed ee badanaa aynu ka baranay Siyaasiga Maanta.
Aqoonsiga Israel iyo doodda “xasillooni-darrada gobolka”
Qodobka iigu xiisaha badnaa wuxuu ahaa sida uu uga jawaabay su'aalihii ku saabsanaa dhaleecaynta aqoonsiga Somaliland ka heshay Israel.
Dawladdaha aqoonsigaas ka soo horjeeda waxay marar badan ku sababeeyeen in aqoonsiga Somaliland uu keeni karo Geeska Afrika xasillooni-darro gobolka oo dhan saamaysa. Ilaa hadda, jawaab siyaasadeed oo si waafiya uga jawaabaysa dooddaas k**a aanan arag dhinacyada Somaliland ka soo jeeda, haday tahay xukuumad iyo mucaaradba ilaa siyaasi ama falanqeeye siyaasadeed oo xor ah midna.
Danjire Cawil-se wuxuu keenay dood ku dhisan waxa siyaasadda caalamiga ah looga yaqaan deterrence – isu-dheellitiridda awoodda iyo ka-hortagga weerarka.
Fikirkiisu wuxuu ahaa in haddii Soomaaliya hesho taageero ciidan iyo dhaqaale oo xooggan oo ay ka hesho Turkey iyo dalal kale, isla markaana ay rumaysato inay Somaliland ka awood badan tahay, ay suuragal tahay inay ku fikirto in arrinta Somaliland xoog lagu xalliyo. Haddii Somaliland-na ay hesho xidhiidh iyo taageero ay ka hesho dalal awood leh sida Israel, markaas waxaa dhalan kara isu-dheellitir awoodeed oo labada dhinac ka dhigaya kuwo ka fiirsada tallaabo kasta oo militari.
Si kale haddii loo dhigo: marka labada dhinac ay ogaadaan in tallaabada dagaalku leedahay kharash culus, waxaa kordhaya dhiirranaanta wada-hadalka iyo ka baaqsiga dagaalka.
Waxaan u arkay tani inay tahay jawaab siyaasadeed oo ka duwan hadallada caadiga ah ee difaaca aqoonsiga Somaliland ee warbaahinta aynu ka arkaynay bilihii ina dhaafay, sababtoo ah waxay doodda ka saartay dareen iyo hal-ku-dheg, waxayna gelisay xisaabta awoodda, danaha amniga iyo deterrence-ka.
Danjire Cawil iyo Gen. Jaamac Maxamed Qaalib
Qodobka labaad ee xiisaha lahaa wuxuu ahaa doodda ku saabsan sababihii ka dambeeyey inqilaabkii 1961.
Waxaan arkay dad badan oo isku dayaya inay iska hor keenaan aragtida Danjire Cawil iyo tii Gen. Jaamac Maxamed Qaalib. Danjire Cawil wuxuu sheegay in inqilaabka loo dhigay in dib loogu soo celiyo dawladnimadii Somaliland ee “shanta maalmood ku saqiirtay” 1-da July 1960, halka Gen. Jaamac uu sababta inqilaabka ku xidhay tabashooyin ay saraakiishu ka qabeen darajooyinka iyo qaabka loo maamulay ciidanka.
Aniga fahamkayga labada aragtiyood ama werinood si buuxda iskuma diidayaan.
Tabashada saraakiisha, gaar ahaan kuwa reer Somaliland, iyo tabashada guud ee bulshada Somaliland ay ka qabeen wixii ay kala kulmeen midowgii iyo dawladnimadii Xamar, waxay noqon karaan laba dhinac oo isku xidhan. Dareenka tabashada ayaa noqon kara dhulka uu ka dhashay fikirka ah in nidaamka jira la beddelo, halka sababta tooska ah ama ajandaha saraakiisha uu yeelan karo sharraxaad gaar ah. Waayo Soomaalidu waxay ku maahmaah daa “haddii fooli timaado guda qarshiiyo hadhan” hadiiba meesha inqilaab yimi tabasho waa lasoo dhaafay, ragga wax inqilaabay na dawlad bay rabeen ee mushahar iyo darajo way dhaafsanyihiin markan.
Sidaas darteed, labada oday waxay dhacdada ku eegayaan laba muraayadood oo kala duwan, balse taasi macnaheedu ma aha inay khasab tahay in midkood run yahay kan kalena been yahay.
Waxa ugu muhiimsan: aragtida ay kala lahaayeen
Labadan ruug-caddaa labaduba waa rag mudan ixtiraam, khibrad iyo in taariikhdooda la barto. Laakiin waxaa jira farqi weyn oo ku saabsan aragtiyihii siyaasadeed ee ay ku soo barbaareen ama soo kala lahaayeen sooyaalkoodii siyaasadeed.
Danjire Cawil wuxuu ahaa, welina yahay, nin aaminsan dawladnimada Somaliland. Gen. Jaamac Maxamed Qaalib, dhiniciisa, wuxuu muddo dheer ku taagnaa aragtida midnimada Soomaaliya iyo Soomaaliweyn.
Marka laba nin oo sidan oo kale u kala aragti duwan ay noqdaan goobjoogayaal dhacdo taariikhi ah mid weliba waxa uu la akhrinayaa wixii uu aaminsanaa, markaa waa wax dabiici ah in fasiraadda dhacdooyinka qaarkood ay kala duwanaato.
Taasi waa sababta aan u leeyahay: ha isku xoqin labada oday kala duwanaanshaha fasiraaddooda; marka h**e faham meesha uu mid weliba ku salaynayo fahamkiisii maalin lahaa ahaa iyo meesha uu mid walba taagan tahay iyo taariikhda fikir ama siyaasadeed ee uu ka soo jeedo.
Ugu danbayn, Waraysiga Danjire Cawil wuxuu i xusuusiyey hal arrin oo muhiim ah: siyaasaddu ma aha oo keliya qofka inta uu da' yahay ama xilka uu maanta hayo; waxaa ka muhiimsan waxa uu soo arkay, waxa uu fahmay iyo awoodda uu u leeyahay inuu waayo-aragnimadiisa si deggan ugu gudbiyo jiilka maanta iyo jiilasha danbe ba.
Ruug-caddaanimadu waa hanti qaran haddii waayo-aragnimada loo adeegsado fahamka taariikhda, halkii loo adeegsan lahaa xamaasad siyaasadeed sida inta badan dhacda ee aynu wada naqaano.
Allaa Mahad Leh,
----------------------
W/Q: Maxamed Xuseen Caydiid