30/01/2022
Talo ku socota Ergada dooranaysa Kuraastaa HOP 198 iyo HOP 199 ee Gobolka mudug ,
"Taladu yeysan Naseegin",
Labada kursi ee HOP 198 Iyo HOP 199 waxay muhiimad gaara uleeyihiin dhamaan dadka reer Mudug, Puntland iyo Soomali oo idil Marka loo fiiriyo duruufaha iyo Rajooyinka kajira gobolka laga dooranayo kuraastaas, Mudug waa gobol ay ku hareersanyihiin duruufo Colaadeed, Dhaqaale iyo Mid Siyaasadeedba una baahan in si mug leh looga fakaro cida matalaysa lagana rabo inay ka samata- bixiso duruufahas aan kor kuso xusay,
Sadexdaan Shayba wan qaba inan ka fakarno loona daneeyo:
1. Mashruuci dhaqaale ee ugu wayna Somalia oo kasocda Gobolka ( Dekada Garacad), waxbadana uga xiranyihiin Dawlada dhexe hadaan lahelin cid miisan lehna fashil kudhaaman kara,
2. Gobolkan oo Amnigiisu iyo Nabadiisu ku xirantahy Siyaasada Dawlada dhexe loona bahanyahy cid dawlada dhexe ku matali karta oo miisan leh,
3. Dhalinyarada deegankana waxbadan ba uga xiran Dawlada iyo Caasumadaba wan qaba in loo daneeyo oo cid matali karta loo siiyo codka,
Musharax Abdirahman Gablax waa musharaxa kaliya ee aan isleeyahay waa mudanyahay metelaada gobolkan, Runtii aqoon hoose uma lihi lkn sadexdanba wan ku dooranaya. Baahi dhaqaale maqabo, mashruuca dekada iyo mashruucyo kalena gacantu kuhaya, waa nin furan oo Siyaasad iyo Mabda'a gaara aan ku xirneen,
'Gablax aynu Garbaha qabano ',
W/qoray : Aqoonyahan Abdifatah Ahmed