30/03/2023
: Dawladda Mareykanka ayaa Ambasador Richard H. Riley, u magacowday Soomaaliya Safiir aan caadi aheyn oo haysta awood buuxda oo uu kumatalo dawladda Mareykanka, kuna gaaro go’aamo iyo qaraaro deg deg ah.
Madaxweyne Biden ayaa magacaabay 27-kii bishan, waxaana loo gudbiyey Aqalka Senatka.
Ambasador-kan cusub ayaa darajo sare ka gaaray siyaasadda Arrimaha dibada, Riley- ayaa haysta awood buuxda oo kumatalo danaha Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana uu kasoo shaqeeyey.
1. Wuxuu noqday qunsulka guud oo u dhigna wasiir ee magaalada Bishaawar ee pakistan
2. Wuxuu Noqday Sii hayaha Safaaradda Norway- Oslo
3. Safiir ku-xigeenka Afghanistan - Kabul
4. Safiir ku-xigeenka Sanca Yaman (2015-2017)
5. Qunsulka Guud ee Canada ( 2012- 2015)
6. Ciraaq , Hoggaanka Barnaamijka Mareykanka iyo Talyaaniga ee Naasariyah ee Ciraaq (2006-2007)
7. Isku-duwaha Xaquuqda aadanaga ee safaaradda Maraykanka- Ee Ciraaq ( 2007-2008)
8. Wuxuu kasoo shaqeeyey Howlgalada Mareykanka ee Russia, China iyo Jamaica