Wardal News Agency

Wardal News Agency Aan kuu warramee kaalay

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday in aan 'la aqbali karin' in ay sii ahaato bad la'aan, iyada oo Af-hayeenka Wasa...
21/05/2026

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday in aan 'la aqbali karin' in ay sii ahaato bad la'aan, iyada oo Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha-dibedd, Amb.Nebiat uu u sheegey warbaahinta maanta: "Waxaan sii wadi doonnaa ka shaqeynta sidii aan u heli lahayn marin-biyood, iyada oo loo marayo jid-nabadeed oo waara."

Itoobiya waxay ku eedeysey Masar in ay ka hortaagan tahay Badda-cas, waxaana xusid mudan in Masar ay xilligan ciidamo u soo waddo Soomaaliya, iyada oo Itoobiya joogtey qaybo dalka ah.

20/05/2026

Allaha unaxariistee hal qof ayaa ku dhintay gaarigaan oo ku dhacay Baalle koronto oo ku yaal dalacadda Shirkadda Korontada GAROWE.

Ciidanka illaalada waddooyinka ayaa goobta gaaray.

Dowladda Federaalka oo sheegtey in mucaaridka soo afjarayso: "Mucaaradka annagaa soo afjareyna xitaa hub uma qaadaneyno....
20/05/2026

Dowladda Federaalka oo sheegtey in mucaaridka soo afjarayso: "Mucaaradka annagaa soo afjareyna xitaa hub uma qaadaneyno.....hal mid uma qalmo Kursiga Madaxweynaha." — Wasiir Fiqi.

Mareykanka ayaa markii u horreysey Puntland kala hadlay macdanta & shidaalka deegaannadeeda, iyada oo shirkadaha Mareyka...
20/05/2026

Mareykanka ayaa markii u horreysey Puntland kala hadlay macdanta & shidaalka deegaannadeeda, iyada oo shirkadaha Mareykanka ay maalgashi & soosaaris ka samayn doonaan kheyraadka dabiiciga ah ee macdanta & shidaalka PL, sida ka soo baxday shir dhexmaray wefti Mareykan ah & Madaxda Puntland.

Gobolka Sanaag ayaa xilligan si filiqsan looga soosaaraa macaadin kala duwan, iyada oo shidaal badanna horey loogu sheegey qaybo ka mid ah Bari & Nugaal.

GAROOWE: Sii hayaha xilka Safiirka Mareykanka ee JFS, Justin Davis oo ay weheliyaan Saraakiisha Howlgalka Africom, oo uu...
20/05/2026

GAROOWE: Sii hayaha xilka Safiirka Mareykanka ee JFS, Justin Davis oo ay weheliyaan Saraakiisha Howlgalka Africom, oo uu ka midyahay Col. Shane Jones Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee Afrika ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ay ka wada-hadleen sii socoshada wada-hadallada DFS & Golha Mustaqbalka, iyada oo MW Deni sheegey in uu diyaar u yahay wada-hadal doorasho, haddii MW Xasan Shiikh aqbalo in uu idlaay muddo-xileedkiisu, isla markaasna wada-jir looga wada go'aan gaadho doorashada dalka.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa xoojinaya xidhiidhkiisa Puntland isaga oo balaadhiyey fadhisin uu ka yagleeshay Boosaaso, halkaasi oo uu ka hago howllada ka dhanka ah IS.

19/05/2026

Wasiiir Axmed Yaasiin salax oo labo jeer wasiir noqday haddana ah wasiir ku-xigeenka wasaarada maaliyada Puntland ayaa ka jawaabay Su'aalo aan waydinay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abdirisaaq Ahmed ayaa dhambaal Tacsiya u diray Ehelka, Qoyska iyo Dowlada Puntland gee...
19/05/2026

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abdirisaaq Ahmed ayaa dhambaal Tacsiya u diray Ehelka, Qoyska iyo Dowlada Puntland geerida ku timid Alle ha unaxariistee Xildhibaan iyo Wasiir H**e Yuusuf Bootaan Ciise.

18/05/2026

"Siyaasi shalay kursiga ka tagay ee garan waayey 20 beri baad maqan tahay ee naso.....Wasiir ku-xigeenka Maaamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

18/05/2026

"Golis waxay hantideeda galinaysaa nabada, Isdhexgalka dhalinyarada iyo hormarka dalka" Eng Maxamed Axmed Bari

18/05/2026

Jabbuuti oo si maamuus-sare leh u qaabishey Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalkaas, Amb. Axmed Cabdillaahi Axmed oo beddeley Amb. Salaad Cali Jeelle.

Address

Garowe

Telephone

+252906553848

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wardal News Agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share