15/10/2025
Bal kawarran haddii Saygaaga 13 sanno oo xabsi daa'im ah lagu xukumo? Ood adna sannaddadaa uu xidhnaa aad subax kasta lasoo kacdo waylaadka walwalka xadhigiisa iyo warka ka imandoona? Iyadoon waliba laguu ogolayn inaad booqato.
Kawarran haddaad sannaddo badan lanoolaato diifta hilawgiyo haraaadka buseelka si joogto ah?
Bal kawarran haddaad subax ka mida subax yadaadii kala dhantaalaa aad waabariisato, iyadoo warbaahintu tabinayso in boqolaal gumaystihii saygaagu u xidhnaa ka mida ay xoogaga cadaw iska caabintu qafaasheen.?
Ood adna sujuud jilbaha goosato dharaartaa,adoo waliba ku dheeraan oo leh..
"Hadda weeye kulankii
welwalkii hadduu go'i
Haddaa gacalku soo geli
Dabar go'in hamuunuhu".?
Ka warran haddii subaxaa labo sanno oo xanuun badan ka dib laguu sheego in maxaabiistii lays waydaarsanayo. ?
Adna aad mar kale caalamka yididiilada booqatid.?
Ka warran haddii masna war shuuxi kusoo gaadho, kaasoo dhibcinaya waxaadan u hayn dhega aad ku maqasho, iyo dhug aad ku gudoonto midnaba? Waa warka odhanaya "Waxa lagayaabaa inaan Saygaagu ku jirin ragga la xorayn doono" ?
ka warran hadday caguhu ku maydaan, ood naxdin la barafoowdo?
Adoo carrabku ku bardayna mar kale haddana laguu sheego inuu ku jiro kuwa laxoraynayo.?
Ka warran adoon hubaal badan qabin hadduu subaxda dambe haddana kusoo waco Saygaagu, adoo waliba gaadhi saaranoo munaasabad ku socda "Waa laysoo daayey gacaliso, waxanna ahay hadda xor...
Ha qaboobo qalbigaagu
Haku daayo qaharkii"?
Ka warran haddaad gaadhiga bartii joojiso, ood adiga iyo carruurtuba sujuud u daadataan? Adoo ku qaylinaya:
Allihii kaayeysku simay nabadoow, waad mahad santahay.
Ka warran hadduu masna mar kale kugusoo celiye "Laakiin... een... waxaba haka xumaan... is daji gacaliso, waxay noqon khayr inshaa Allaah, waxa layga tuurayaa wadan hebel, oo dalkeena waa layga fogaynayaa" adna aad halkaa qambariirsi iyo shuuq dabadii aad xasuusato inaad nooliga heli karto si aad uga daba duusho.
Ka warran haddii haddana habeenkii adoo diyaarinaya qorshihii aad kaga daba tegilahayd Saygaaga, gumaystuhu kugusoo gudo, oo idiinsoo daato, oo curadkaagii intuu dafo booskii aabbihii kasoo baxay kusoo xidho?
Ka warran haddaad oydood galgalato, haddana aad xasuusato in Alle kariim deeqsiya yahay, siduu Saygaaga kuugusoo celiyey maantana, uu Curadkaagana beri xoriyad ugu manaysan doono.?
Ka warran haddaad subaxdii ku xigtay boorsadaada yucyucato, si aad uga daba hayaanto Saygaagii sannaddaha badan kaa maqnaa? Laakiin kolkaad gaadhay marinkii looga bakhooli lahaa dalka kale, laguu sheego inaan laguu ogolayn inaad ka daba tagto Saygaaga, sababta loo anbiyeyna ayba ahayd inaydinaan isku il qabawsan abid.!!!!
Arrintani waxay ku dhacday marwadan muxilayada ah ee sawirka hoose ka muuqata. Gabadhaas oo ah xaaska maxbuus horoo falasdiini ah, lana yidhaahdo Ibraahiim Xadaab.
Ibaraahiim ayaa kamid noqday maxaabiista hadda lasii daayey, ee dalka Falasdiin laga masaafuriyey.
Iyadoon nasiib daro aanay reerkiisu booqan karin, curadkiisiina loo daba mariyey jeelka.
Allaha deeqsiga ah, ee riximka iyo raxmada, ehelka iyo kalgacaylkaba uumay waxan waydiisanaynaa inuu kulmiyo qoyskaa, Cadawgoodana Awood badane Alleheen ku salido masiiba naftooda ku maahquulisa.