Hayaan Films

Hayaan Films We are Hayaan films. A multimedia and video production services company based in Garowe, Somalia.

Waxaa magaalada garowe lagu qabtay kulanka latalinta istataatijiyada dib u heshiisiinta Puntland. Kaasi oo socday 29-30 ...
29/04/2026

Waxaa magaalada garowe lagu qabtay kulanka latalinta istataatijiyada dib u heshiisiinta Puntland. Kaasi oo socday 29-30 ki march 2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland, oo kaashanaysa hay’adaha nabad-dhisidda, ayaa 19-20  Feb  2026 qabatay tababar k...
16/04/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland, oo kaashanaysa hay’adaha nabad-dhisidda, ayaa 19-20 Feb 2026 qabatay tababar kor loogu qaadayo awooda guddiyada nabada iyo booliiska, tababarkaan oo socday laba maalmood, kana dhacay magaalada Bosaso ayaa lagu xoojinayey dadaallada nabadeynta iyo xasillinta deegaanada Calmiskaad.
Tababarkan ayaa lagu bartilmaameedsaday guddiyada xalinta khilaafaadka bulshada iyo laamaha amniga heer degmo, gaar ahaan booliska, iyadoo diiradda la saaray fahamka khilaafaadka, wada-xaajoodka, dhexdhexaadinta iyo dejinta colaadaha. Ka qayb galayaasha oo matalayay ururrada haweenka, dhalinyarada, guddiyada nabadda, booliska degmooyinka, culimada, ganacsatada, cuqaasha dhaqanka iyo maamulka degmooyinka ayaa ka qayb galay tababarkaan oo socday mudo labo cisho ah.
Tababarku wuxuu door muhiim ah ka qaatay xoojinta wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga, ka hortagga khilaafaadka, iyo adkaynta nabadda iyo xasilloonida guud

Qardho: 09-Apr-2026: Agaasimaha Guud Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) ayaa maanta qayb ka ahaa...
13/04/2026

Qardho: 09-Apr-2026: Agaasimaha Guud Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) ayaa maanta qayb ka ahaa soo xiritanka Tababarka Mas’uuliyiinta Ee Ku Saabsan Isla-Xisaabtanka Bulsho ee Loo-dhan yahay ee degmooyinka Garoowe, Badhan, Qardho iyo Dangorayo,
‎Tababarka oo socday muddo 5 berri ah, ayna ka faa'iideysteen qaar kamida xubnaha xildhibaanada goleyaasha deegaanka, Guddiga fulinta sida Gudoomiyaal, Gudoomiyaal Xigeeno iyo Xoghayaal , hawlwadeenada Waaxyaha Arrimaha Bulshada iyo Qorsheeynta ee degmooyinka. Tababarka waxaa lagu baray fahamka isla-xisaabtanka, diyaarinta qorshe loodhanyahay, iyo u kuurgalidda xaaladaha saameeyo dhallinyarada, khaasatan tahriibta si dowladaha hoose uga hawlgalaan wax ka qabashada duruufaha keenaya tahriibta.
‎Xiritaanka tababarka waxaa ka kalmado dhiirigalin iyo dardaaran ah ka soojeediyey Guddoomiyaha Goblka Karkaar mudane, Cabdullahi Ismaaciil, Duqada Demada Qardho, mudane Qaal, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda iyo Madaxa Hay’ada VNG International mudane Guuleed Ahmed Yusuf. Dhammantood waxay si xoogan ugu adkeeyay tababarayaasha ka faa'iideysanayay tababarkaan in ay qorshayasha degmooyinka si fiican looga dhex arko tubo wax ku-oowl ah oo aafada tahriibta wax looga qabanayo, daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo latashiga bulshada ay ahaadaan tiirarka dowladnimada.
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in yoolka dowladda ee daadajinta maamulka iyo hirgelinta qorsheyaasha horumarinta u yahay Wasaaradda mudnaanta koowaad.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

05/04/2026

Muuqaalada guud ee shirka Dhamaystirka kala saarista canshuuraha Dawladaha Hoose iyo Dawladda dhexe.

05/04/2026

Hadaljeedinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ee ku aadan kulanka Degmooyinka iyo Wasaaradaha ee hirgelinta madasha isku duba ridka Maaliyadeed ee lagu xoojinayo maamul baahinta iyo adeeg-bixinta u dhaxaysa heerarka kala duwan ee Dawladda, kaas oo diiradda lagu saaray kala saarista Canshuuraha Dawladaha Hoose iyo Dawladda dhexe.

05/04/2026

Hadaljeedinta Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ee ku aadan kulanka Degmooyinka iyo Wasaaradaha ee hirgelinta madasha isku duba ridka Maaliyadeed ee lagu xoojinayo maamul baahinta iyo adeeg-bixinta u dhaxaysa heerarka kala duwan ee Dawladda, kaas oo diiradda lagu saaray kala saarista Canshuuraha Dawladaha Hoose iyo Dawladda dhexe

05/04/2026

Hadaljeedinta Xildhibaan Mursal Maxamed Cabdi ee ku aadan kulanka Degmooyinka iyo Wasaaradaha ee hirgelinta madasha isku duba ridka Maaliyadeed ee lagu xoojinayo maamul baahinta iyo adeeg-bixinta u dhaxaysa heerarka kala duwan ee Dawladda, kaas oo diiradda lagu saaray kala saarista Canshuuraha Dawladaha Hoose iyo Dawladda dhexe.

Garoowe: March 25-26, 2026- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Muda...
05/04/2026

Garoowe: March 25-26, 2026- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah oo uu Weheliyo Agaasimaha guud Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa magaalada Garowe ka daahfurtay shir muhiim ah oo ku saabsan Isku-duwidda Maaliyadeed ee Maamul-baahinta, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dowladaha hoose iyo hirgelinta nidaamka maamul-baahinta ee Puntland.
Shirkan ayaa yimid xilli aad loogu baahnaa iyada oo diiradda la saaray kulanka 1-aad ka doodista kala saarista canshuuraha Dawldaha Hoose iyo Dawladda dhexe ee Puntland, si loo helo nidaam maamul oo hufan, isla markaana si cad u qeexaya awoodaha iyo masuuliyadaha heerarka kala duwan ee dowladda ee ku saabsan kala xadaynta maamulka Maaliyadda labada heer ee Dawladda.
Kulanka waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Maaliyadda,Iskuduwayaasha Gobolada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Xoghayaasha Degmooyinka iyo ururrada bulshada rayidka ah, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday arrimo muhiim u ah horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dowladaha hoose. Doodaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta heerarka dowladda iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan cad oo lagu kala saaro ilaha dakhliga.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay canshuuraha ay degmooyinka xaqa u leeyihiin inay qaadaan iyo kuwa ay qaadi karaan hay’adaha kale ee dowladda. Qodobkan ayaa ahaa mid muhiim u ah yareynta isku dhacyada maamulka iyo kor u qaadidda hufnaanta nidaamka dakhliga. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay habab wax ku ool ah oo lagu kobcin karo dakhliga gudaha ee degmooyinka, si ay awood ugu yeeshaan inay si madax-bannaan u maareeyaan adeegyada ay bulshada u hayaan.
Doodaha ayaa sidoo kale taabtay muhiimadda ay leedahay in si cadaalad ah loo qaybiyo kheyraadka, taas oo door weyn ka ciyaareysa horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismaha kalsoonida shacabka. Waxaa la xoojiyay baahida loo qabo hufnaan iyo isla xisaabtan, si loo hubiyo in maamulka maaliyadeed uu noqdo mid daahfuran oo la isku halayn karo.
Gunaanadkii shirka, waxaa la isla gartay in la diyaariyo heshiis wadajir ah oo si cad u qeexaya nidaamka canshuuraha iyo masuuliyadaha hay’adaha kala duwan. Heshiiskan ayaa la qorsheeyay in si rasmi ah loo saxiixo, si loo bilaabo fulintiisa loona xaqiijiyo in go’aamada la gaaray ay noqdaan kuwo la dhaqan geliyo. Waxaa sidoo kale la dejinayaa qorshe hawleed leh waqtiyo cayiman iyo hay’adaha masuulka ka ah, si loo dardargeliyo hirgelinta qodobada la isku raacay.
Shirkan wuxuu ka mid yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku xoojinayo nidaamka maamul-baahinta, laguna horumarinayo awoodda dowladaha hoose, si ay u bixiyaan adeegyo tayo leh oo waara. Waxa uu sidoo kale muujinayaa sida la qorsheynayo in horumar muuqd laga gaaro dhismaha nidaam dowladeed oo ku dhisan wada shaqeyn, isla xisaabtan iyo ka jawaabidda baahiyaha bulshada.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

Garowe: February 27–28, 2026: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa magaala...
03/03/2026

Garowe: February 27–28, 2026: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa magaalada Garowe ee Caasumadda Dawladda Puntland ku qabatay kulanka Dib-u-eegista Siyaasadda Maamul-daadejinta Puntland.

Kulankan oo muhiim u ahaa horumarinta nidaamka dowladnimo iyo xoojinta hannaanka maamul-daadejinta, waxaa ka soo qaybgalay Agaasimayaasha Waaxyaha Qorshaynta ee Wasaaradaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Shaqada iyo Daryeelka Bulshada, Dawladda Hoose ee Degmada Garowe iyo Ururka Dawladaha Hoose ee ALGPAL, khuburo ka kala socday Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Golaha Wakiillada, iyo khuburo kale oo door muhiim ah ka qaatay falanqaynta iyo tayaynta siyaasadda.

Ujeeddada kulanku waxay ahayd dib-u-eegis iyo waafajin lagu sameeyo Siyaasadda Maamul-daadejinta si ay ula jaanqaaddo duruufaha jira, loona xoojiyo wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan ee dowliga ah, korna loogu qaado hufnaanta, isla xisaabtanka iyo tayada adeegyada loo hayo bulshada.

Wasaaraddu waxay ka mahadcelinaysaa dhammaan ka soo qaybgalayaasha doorkii ay ka qaateen kulankan, waxayna adkaynaysaa ka go’naanshaheeda ku aaddan hirgelinta maamul-daadejin dhab ah oo sal adag ku leh wada-tashi, wada-shaqayn iyo sharciyad.


▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Website: moifad.pl.so

Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.

Twitter https: https://x.com/MOIFAD.

Tiktok: https://www.tiktok.com/.

Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..

02/02/2026

GEEDDI-SOCODKA NABADDA GALBEEDKA MUDUG:

‎Bilowgii bishii January wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Puntland iyo Galmudug ayaa bilaabay latashi, dhexdhexaadin, iyo wada-hadal ay ka qayb ahaayeen beelaha Sacad iyo Leelkase, oo dirir ay ku dhexmartay galbeedka gobolka mudug, guddiyada dhaqanka ee labada beelood, gudiga dhexdhexaaadinta, iyo maamulada gobolka.

‎Kulammo isdaba joog ah oo ka dhacay Galdogob, Bandiiradley, iyo Galkacyo ayaa lagu xoojiyay kalsoonida bulshada, laguna gaaray heshiis lagu xakameeyay colaadda, iyadoo la sugay in khilaafku uusan mar kale dib u soo cusboonaan taas oo muujinaysa in nabad waarta lagu gaari karo wada-hadalka iyo ka-qaybgal bulsho.

Address

9FXM+J9R
Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hayaan Films posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hayaan Films:

Share