26/09/2021
Taasina waa sababta ay diinteenna inoo farayso - wax walboo ku cajab geliya in aad tiraahdo:
“Maashaa’a Allah.”
Rasuulkeenna Suubanaa SCW ayaa inoogu sheegay Labadaan Xadiith Saxiixa Ah, ee hoos ku qoran!
قال عليه الصلاة والسلام : الْعَيْنُ حَقٌّ ، وَلَوْ كانَ شَيْءٌ سَابَقَ
الْقَدَرَ سَبَقَتْهُ الْعَيْنُ . رواه مسلم
"Ishu waa wax dhab ah. Hadday jiri lahayd wax la wareegi kara (ama beddeli kara) Qaddarta Alle, waxay noqon lahayd Isha."
وفي حديث جابر : قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : العين تُدخل الرَّجل القبر , والْجَمَل القِدْر . رواه أبو نُعيم في " الحلية " وحسنه الألباني .
"Ishu, Qofka waxay u dirtaa Qabriga. Geelana waxay u dirtaa Dheriga."