24/05/2026
WAR-SAXAAFADEED
Ururka Rejo Caabudwaaq Galmudug wuxuu si rasmi ah ugu wargelinayaa dhammaan dhalinyarada, ciyaartooyda, taageerayaasha ciyaaraha, iyo bulshada reer Caabudwaaq in ururku uu ka baxay taabagelinta iyo qabsoomidda tartankii Rejo Cup 2026.
Go aanka wuxuu ka yimid markaan aragnay in aay jiraan arrimo lid ku ah xeerka ururka rejo u yaala taaso sababtay in aan koobka sii wadi karin
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dhalinyaradii, ciyaartooydii, iyo bulshada nagu garab istaagtay muddadii diyaarinta tartanka.
Ugu dambeyn, Ururka Rejo Caabudwaaq Galmudug wuxuu sii wadi doonaa dadaalladiisa ku aaddan horumarinta ciyaaraha iyo taageeridda dhalinyarada mustaqbalka.
Ururka Rejo Caabudwaaq Galmudug.