Jiimaay tall

Jiimaay tall jiimaaytall

24/08/2026

Doorashadii ka dhacday Banaadir iyo tii Koonfur Galbeed, kee ayaa ka sii daran? Dhulboobka iyo caburinta dadka lagu hayo xaggee loo cawdaa? Xaggee bay jirtaa maxkamaddii u garsoori lahayd bulshada?”

20/08/2026

Xuska Nabiga ﷺ ma wax baa la cunaa mise waa loo soomaa? Haddii aad Suufi tahay, way kuu fadhiyaan; haddii aad Wahabi tahayna, hilibka waad ka doonan kartaa.

Waxaan la yaabanahay, Guddoomiye. Bilowgii shaqadaada waxaan arki jirnay dadaal xooggan oo lagu saxayo is-barbar yaaca i...
16/08/2026

Waxaan la yaabanahay, Guddoomiye. Bilowgii shaqadaada waxaan arki jirnay dadaal xooggan oo lagu saxayo is-barbar yaaca iyo khilaafaadka ka dhex jiray gudaha Baarlamaanka. Taasi waxay ahayd waajib muhiim ah oo ku saarnaa Guddoomiyaha iyo hoggaanka Baarlamaanka, si loo ilaaliyo sharciga iyo nidaamka u degsan Golaha.

Laakiin maanta waxaa isweydiin mudan: waqtigii aad xilka haysay maxaa laga dhaxlay? Maxay yihiin waxyaabaha la taaban karo ee shacabka ugu soo kordhay?

Haddii muddadii xilka lagu jiray ay ku dhammaatay madadaalo, heeso iyo waxqabad aan muuqda lahayn, shacabka waxay xaq u leeyihiin inay weydiiyaan: **maxay ahayd natiijada hoggaankaas, maxaase maanta laga xusuusan doonaa?


Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa laga filayaa inuu ilaaliyo sharciga, nidaamka Golaha iyo danaha shacabka, isla markaana uu keeno waxqabad la taaban karo oo taariikhda ku reeba raad wanaagsan.

Qofku wuxuu awoodaa inuu u halgamo wax kasta oo ka maqan, ilaa uu ka helo waxa uu doonayo.
14/08/2026

Qofku wuxuu awoodaa inuu u halgamo wax kasta oo ka maqan, ilaa uu ka helo waxa uu doonayo.

10/08/2026

Xaqiiqdu waxay tahay in beel-weynta Raxanweyn ay bilaabaysay inay dadkeeda ku qanciso aragtidooda iyo rabitaankooda. Taasi waxay muujin kartaa jihada uu u socdo mustaqbalka siyaasadeed ee soo socda.
Taariikh ahaan, waxaa jiray shaqsiyaad ay ka mid yihiin
**Cabdiqaadir Saqawadiin, Maxamed Cismaan Baarbe iyo Xaaji Maxamed Xuseen**, kuwaas oo door ku lahaa hoggaanka iyo matalaadda bulshada.
Haddana waxaa muuqata in marxalad cusub la joogo, waxaana la is weydiin karaa in **Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)** uu noqon doono shaqsiga xiga ee hoggaanka iyo matalaadda Raxanweyn ku biira raadadkaas.

FIKRADAHA horumarka waa waxa lagu kala duwan yahay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,  Mudane Cabdikaadir Maxamed...
10/08/2026

FIKRADAHA horumarka waa waxa lagu kala duwan yahay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdikaadir Maxamed Nuur (Madax Nuuran).
wuxuu bulshada tusayaa fikrado kale oo isbeddel lagu raadin karo.

Horumarku wuxuu u baahan yahay fikrado cusub, aragti fog iyo hoggaan diyaar u ah inuu dalka u horseedo isbeddel iyo horumar.

Madaxweyne Daacad ah, Dalka HorumariyaMadaxweyne daacad ah waa mid dantiisa ka hormariya danta dalkiisa iyo dadkiisa. Wa...
09/08/2026

Madaxweyne Daacad ah, Dalka Horumariya

Madaxweyne daacad ah waa mid dantiisa ka hormariya danta dalkiisa iyo dadkiisa. Waa hoggaamiye ka shaqeeya sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadkeeda dabiiciga ah, una abuuri lahayd shacabka nolol iyo mustaqbal wanaagsan.

Soomaaliya waxay leedahay **shidaal, macdan, xoolo iyo dhul beereed**. Xitaa wax-soo-saarka beeraha sida **mooska, liinta iyo dalagyada kale** ayaa haddii si wanaagsan loo horumariyo noqon kara il dhaqaale oo muhiim ah.

Haddii khayraadkaas si hufan, daacadnimo iyo qorshe qaran loogu maareeyo, Soomaaliya waxay awood u leedahay inay isku filnaato, shaqooyin u abuurto dhalinyaradeeda, ayna dhisto dhaqaale xooggan.

Dalka waxaa horumariya hoggaamiye fahamsan in **khayraadka Soomaaliya uu yahay hantida shacabka**, oo aan ahayn hanti qof ama koox gaar ah leedahay.

**Soomaaliya waxay leedahay waxa ay ku horumari karto; waxa loo baahan yahay waa hoggaan daacad ah, qorshe cad iyo ilaalinta hantida qaranka.**

07/08/2026

Lagu xanto, lagu xasuustaa. Adeero Lafta Gareen, meesha aad siyaasadda ka joogtay iyo habkii aad u ciyaari jirtay, xaaladdu way ka gudubtay. Siyaasaddu way is beddeshay, waqti cusubna waa la joogaa.

Dhaliilo badan ayaa loo jeediyaa dhalinyarada maanta, balse hal arrin ayaan ku ammaanayaa: waxay arkeen halka dalkoodu m...
06/08/2026

Dhaliilo badan ayaa loo jeediyaa dhalinyarada maanta, balse hal arrin ayaan ku ammaanayaa: waxay arkeen halka dalkoodu marayo, waxayna ku dadaaleen inay bulshada wax u qabtaan oo ay taageero kasbadaan. Taas lafteedu waa dadaal mudan in la qiro. Waxaan leeyahay: guulaysta.

Dhalinyarada Soomaaliyeed, mid kastaaba wax ayuu ku wanaagsan yahay. Haddii aad awood u leedahay inaad barato farsamo, aqoon maaddi ah ama aqoon diini ah, ku dadaal oo ha ka harin ilaa aad guul ka gaarto. Guusha qof kale yaanay kuu noqon sabab aad adigu u niyad jabto ama isu aragto inaad guuldarraysatay.

Waxaan aaminsanahay in aqoonta maaddiga ah iyo tan diiniga ah ay dad badan u horseedeen guul. Haddii aad doorato inaad noqoto fanaan, jilaa, wariye ama sheekh, waxaad ku gaari kartaa guul adduunka. Si kastaba ha ahaatee, aragtidayda, waxa ugu muhiimsan waa in diinta la barto laguna dhaqmo, maadaama ay tahay waxa qofka u horseedi kara wanaagga adduunka iyo aakhiro.

05/08/2026

Mucaaradnimo meel iska dhig xaqiiqdi ninkaa wuxu na baryaa adigo qoslaya hada Howsham qabso (nin reerkaga xitaa inaan ka ilaashado waye waxa walba ka filo)guulayso gudomiya barlamaka somaliya BRO. Jaamac :madaxdan madax ufurayaa:

Address

Banadir
Mogadishu
JIMAAY

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jiimaay tall posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share