15/06/2021
Milkiyad mise Matalaad (Ownership or Representarion).
Sharci ahaan muddo xileedka matalaadda Golosha Shacabka waa afar sanno-4 sanno. Afar sano kadib matalahii kursiga waxaa u furan sharcigana u ogolaanayaa inuu dib usoo hamiyo/isusoo sharaxo kursiga. inkabadan hal muddo xileed-one term- ayuu isasoo taagi karaa matalaha.Labo muddo xileed waa sideed sanno-8 sanno.
Umadaha hormaray rabitaan-Appetite uma hayaan matalaad hal qof wax kabadan labo muddo xileeed oo ah sideed sanno.
To the point-biya dhaca qormada ayaa ah; somalia waxaa ka dhacday lana soo arkay mudane/marwo kursi bulsho ku matalayay/mataleysay wax ka badan 8 sanno walina damaacinaya/damaacineysa. haa! Xaq ayuu u leeyahay/leedahay inuu damaaciyo/damaaciso oo sharci uma diidayo.
Adiga oo ah qofka lagu matalayay kursiga muddo ka badan sideed sanno maxaad ku cabireysaa wax qabadka matalaha?!.
Caadiyan wadamada hormaray-Developed Countries- sorry inuusan wadankeenna qaanadaas wali galin, matalaha bulshadda-Member of Parliament- waxaa lagu qiimeeyaa wax ka qabadka hadba baahida bulshadaas miiska u saaran sida:-
1.Meeqa xaruma caafimad ugu yaraan MCH-Mother and Child Care oow ka hirgaliyay dagaanka bulshadda uu matalo.
2.Xarumo waxbarsho.
3.Qodis ceelal biyood ama biyo nadiif ah.
4.Dhisid Wado u sahasho hooyada uurka leh iney si sahlan ku gaarto xarunta caafimadka.
Xildhibanka-matalaha aan intaas kor kusoo sheegay waxba aan ka qaban, sideed sanno ka badanno kursiga ku fadhiya walina dhamaacinaya arrinkiisa ma Matalaad baa mise waa Milkiyad-isa siin kursi? Adiga ayaan kuu dhaafay jawaabta!.
Go'aanka gacantada ayuu ku jiraa dooro milkiile kursi ama shaqsi si dhab ah kuu matalo markuu muddo xileedkiisa dhamaadane kursiga bulshadii laheyd soo dhex dhigo.
Somali hanoolaato.