Ayuub Mire Caseyr

Ayuub Mire Caseyr Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ayuub Mire Caseyr, Qardho.

Ururka 27aad ee Guutada Afmeer ayaa howlgalo qorsheysan ka sameyay ceelka bocool iyo ceelka Garoobo ee toga BaaladeHowlg...
07/02/2026

Ururka 27aad ee Guutada Afmeer ayaa howlgalo qorsheysan ka sameyay ceelka bocool iyo ceelka Garoobo ee toga Baalade

Howlgalka waxa hogaaminayay Abaan-guulka guutada Afmeer Yuusuf Gaacshe Cismaan iyo Taliyaha ururka 27aad Ismaciil salaad Timir

23/08/2025

Wasiirki difaaca ayaa nahantaday! Odaygu wax uma reeban Duqii Xasan ahaa ,dalna waxa ay u haystan xamar ,dawladnimana waxa ay u yaqaanin b**b !!.

23/08/2025

Hodan Said oo dhallinyarada ka wacyigelin jirtey tahriibka ayaa la sheegay in ay ka mid noqotay dadka tahriibay.

Wasiirada wasarada dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland oo muda ahayd waxa ay is kaga baqooshtay ugu danbeen wadanka , puntland ayaa la daala dhacayda shaqo la'aan baahsan tani ayaa dhalinta u horseeday inay wadanka iskaga baxaan oo door bidaan tahriibka .

Ma jirto tilaabo cad oo dawladdu qaaday si loo yareeyo qulqulka dhalinta ku dhamaanaya badaha Algeria iyo liibiya .

Waxaa sidaa bartiisa Facebook ku daabacay janaraal siciid Maxamed Xirsi .Waxaan  hambalyo iyo boggaadiin u dirayaa  ciid...
21/02/2025

Waxaa sidaa bartiisa Facebook ku daabacay janaraal siciid Maxamed Xirsi .

Waxaan hambalyo iyo boggaadiin u dirayaa ciidanka geesiyaasha ee Dowladda Puntland oo gutey waajibaadka ka saaran dalka, diinta iyo dadka, oo cashar lama ilaawan ah u dhigay shir-wadayaasha Argagaxisada ISIS, sidoo kale

waxaan dhiiragalinaya shacabka reer Puntland oo u midoobey cadowga kusoo duuley Puntland, bulshada reer Puntland waxay ku suntanyihiin geesinimo, dal jacayl, garab istaaga Dowladooda iyo ciidankooda, gaar ahaan haweenka reer

Puntland oo si wanaagsan uga dhexmuuqda bulshada, udub dhexaadna u ah jiritaanka midnimada Dowladnimada iyo midnimada ummada Soomaaliyeed,

Waxaan leeyahay reer Puntland-now waad guulaysateen, waana ka adkaateen kuwii dhagarta wadey, waxaad wax ku tihiin wada jirka iyo midnimada shacabka iyo Dowladda guul iyo gobanimo.

โœ๏ธSiciid Maxamed Xirsi
๐Ÿ’ช๐Ÿ‘‹๐Ÿ™.

 : Waxaa qoray Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Boosaaso Cabdilaahi Xasan Dheere." Wasiirka arrimaha dibedda ee  xukuu...
21/02/2025

: Waxaa qoray Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Boosaaso Cabdilaahi Xasan Dheere.

" Wasiirka arrimaha dibedda ee xukuumadda Xasan Shiikh, Fiqi, waxa uu leeyahay madaxwayne Siciid Deni baa noo diiddan in aan gacan ka geysano la-dagaallanka Daacish.

Arrinta isweydiinta mudan waxay tahay, haddiiba la dagaallanka argagixisadu in uun dhab ka yahay muxuu si siman ugu qaybin waayey hubkii magaca Soomaaliyeed lagu keenay.

Sidaas oo ay tahay, dhaqaalaha ugu badan ee Soomaaliya la siiyaa waa horumarinta amniga. Haatanna cunaqabatayn ma saarna oo hub badan baa loogu deeqay.

Halkaa marka ay marayso, waxaan wada fahmi karnaa in muhiimaddu ay tahay hub noocii la rabo hayso e, intee in-le'eg buu dagaalku kaa go'an yahay, oo aad ciddiyaha ku diriri karaysaa.

Meel walba oo uusan amnigu ahayn mashruuc dhaqaale laga sameeyo, sida Puntland, badqabka muwaadinkuna wax walba ka sarreeyo, nabad-diidku kuma noolaan karaan, oo wayba ku cimri-degdegaan.

21/02/2025

Khudbada Jimcah iyo Dr. Cali Xaaji Warsame "Mashruuca Argagixisaddu waa mashruuc la rabo in lagu laayo dadka Culimadooda iyo waxgaradkooda, lagana cararo masaajidad iyo goobaha ganacsigga"

Dalalka Itoobiya iyo Ruushka ayaa kala saxeexday heshiis lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta Nuclear ee dalka Itoobiya...
21/02/2025

Dalalka Itoobiya iyo Ruushka ayaa kala saxeexday heshiis lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta Nuclear ee dalka Itoobiya iyo weliba sidii Addis ababa loogu dhisi lahaa Wershadaha tamarta Nuclear-ka oo aad u horumarsan.

Qodobada heshiiskan waxa ku jira in Itoobiya loo tababaro Saynisyahanno dhinaca Nuclear ka ah iyo weliba in laga taageero Technology hawshan lagu taaba gelin lahaa, taas oo Itoobiya u suuragelin doonta in ay si dhammaystiran u yeelato Wershadda Tamarta Nuclear oo si casriya loo dhisay mustqabalkan la gaadhsiin karo heer aad u sarreeya.

Gallaydh

Aqalka Sare ee Nigeria oo Bilaabaya Baritaan Eedaha in USAID ay Maalgalisay Argagixisada Boko XaaraamAqalka Sare ee Gola...
21/02/2025

Aqalka Sare ee Nigeria oo Bilaabaya Baritaan Eedaha in USAID ay Maalgalisay Argagixisada Boko Xaaraam

Aqalka Sare ee Golaha Barlamaanka Nigeria ayaa u yeeray Lataliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka waxaana la weydiiyey eedaha in USAID ay maalgalisay, joogtana u maaleyn jirtay ururka argagixisada ee Boko Xaaraam. Kulanka ayaa albaabadu u xirnaayeen, wax war ahina k**a soo bixin jawaabaha Lataliyaha Madaxweynaha.

Aqalka Hoose ayaa sidoo kale sheegay in ay dhawaan bilaabi doonaan baritaan gunta eedaha USAID oo dhawaan dawladda Mareykanku ay albaabada isugu laabtay, fasaxdeyna dhammaan shaqaalihii hay'adda.

Argagixisada Booko Xaaraam ayaa dad badan Nigeria ku laayey, malaayiin dad ahna guryahoodii ka barakiyey.

> Daljir Media

Shirweynihii Qaran ee Niger oo lagu Taliyey in Xukuumadda KMG ah ee Janaraal Abdourahamane Tchiani 5 Sano loogu DaroShir...
20/02/2025

Shirweynihii Qaran ee Niger oo lagu Taliyey in Xukuumadda KMG ah ee Janaraal Abdourahamane Tchiani 5 Sano loogu Daro

Shirweynaha Niger ayaa daarnaa sidii xukunka militari ee Janaraal Tchiani loogu badali lahaa mid shibil ah oo shacabku soo doorteen. Shirka oo falaanqeeyey xaaladda ammaan ee dalka iyo faragalinta kulul ee shisheeye ayaa soojeediyey inta dalka nabaddiisa iyo xiriirkiisa dibadda laga si kalsooni ku jirto loo sugayo in milatarigu xukunka dalka sii hayo 5 sano si KMG ah.

> Daljir Media

Dawladda DR Congo ayaa dhiggeeda Chad ka codsatay in loo soo diro gurmad ciidan ah oo la dagaallama kooxda fallaagada ah...
20/02/2025

Dawladda DR Congo ayaa dhiggeeda Chad ka codsatay in loo soo diro gurmad ciidan ah oo la dagaallama kooxda fallaagada ah ee M23 taas oo maalmihii la soo dhaafay si xawliya ugu fidday bariga dalka Congo.

Codsiga Kinshasa ayaa ku soo beegmaya xilli ay dalkaa iskaga bexeen ciidankii waddanka Burundi ee nabad ilaalinta halkaas u joogay kuwaas oo saldhigyadoodii uga baxay kooxda M23.

Cabsi xooggan ayaa lagu soo warramayaa in ay ka taagan tahay caasimadda Kinshasa iyada oo safaradihii shisheeye ay bilaabeen in ay shaqaalohooda la baxaan.

Gallaydh

Address

Qardho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ayuub Mire Caseyr posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ayuub Mire Caseyr:

Share