Banaadir-Production

  • Home
  • Banaadir-Production

Banaadir-Production Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Banaadir-Production, Fotograf, .

BANAADIR PRODUCTION waa shirkad kuu qaban doonto adeegyo badan oo ay ka mid yihiin xayeeysiinta ganacsigaaga, duubida xaflada,aroosyada, shirarka,dhalashooyinka iwm muhiimadeenuna waa qanacsanaantada .

 :Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabad heer sare ah oo lagu soo dhaweeynayay Guutada 21-aad ee Qaybta 1-aad e...
08/09/2026

:Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabad heer sare ah oo lagu soo dhaweeynayay Guutada 21-aad ee Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo tababarro ciidan kusoo dhammaystay dalka Turkiga.

Munaasabadda soo dhaweynta oo ay soo qabanqaabiyeen saraakiisha Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa waxaa hormuud ka ahaa Taliyaha Qaybta 1-aad, Gaashaanle Sare Saahid Faraax Jaamac, waxaana ka qeyb galay saraakiil, ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, fanaaniin iyo marti sharaf kale.

Guutadda 21-aad ayaa muddo tababarro ciidan oo gaar ah kusoo qaatay dalka Turkiga, waxaana ay hadda dib ugu soo laabteen dalka si ay uga qeyb qaataan gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyeyaasha Guutooyinka 17-aad iyo 19-aad ee Kumaandooska Gorgor iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid Faraax Jaamac, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa soo dhaweeyay ciidamadan cusub, isagoo xusay in laga filayo inay si hufan uga qeyb qaataan gudashada waajibaadka ciidannimo ee loo igmaday.

Dhankiisa, Taliyaha Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Maxamed Axmed (Col. Lacag), ayaa uga mahadceliyay saraakiisha iyo ciidamada soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo ciidamadan kula dardaarmay inay aqoonta iyo tababarka ay kusoo barteen dalka Turkiga uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, isla markaana ay ilaaliyaan anshaxa iyo waajibaadka ciidannimo.

Ciidanka XDS iyo kuwa Birmadka koonfur galbeed ayaa wada Howlgalo lagu baadi goobayo Maleyshiyaad hubeysan oo shalay dad...
08/09/2026

Ciidanka XDS iyo kuwa Birmadka koonfur galbeed ayaa wada Howlgalo lagu baadi goobayo Maleyshiyaad hubeysan oo shalay dad shacab ku dilay degmada wala weyn
:Ciidamada ayaa ku daba jira Rag hubeysan oo dad shacab ah dil u geestay

Dhanka kale geesiyaasha Ciidanka Qaranka ayaa u kuurgalay sidii Baaritaan loogu sameyn lahaa dhacdo shalay ka dhacday Degmada wala weyn ee Gobolka Shabellaha hoose.

Wafdi Saraakiil Ciidan ah ayaa gaaray Goobtii shalay ka dhacday Falka is rasaaseynta ee wax yeelada kasoo gaartay dadka shacabka ah

Saraakiisha Goobta tagay ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin in la dhibaateeyo dadka shacabka ah

Sidoo kale wafdiga Saraakiisha Ciidanka ayaa isbitaalka degmada wala weyn ku booqday dadkii shacabka ee dhaawacyada kasoo gaartay weerarka

Wafdiga saraakiisha ayaa waxaa uu hogaaminayay Taliyaha Saldhiga Wala weyn,Taliyaha ururka 12 aad ,Abaanduulaha ururka 12 ee Guutada 1 Aad ,Kusimaha Gudoomiyaha degmada wala weyn iyo Taliyaha Birmadka Koonfur galbeed

Dahab Tower wuxuu noqon doonaa dhismaha ugu dheer, ugu quruxda badan, uguna casrisan caasimadda Muqdisho iyo dalka oo dh...
08/09/2026

Dahab Tower wuxuu noqon doonaa dhismaha ugu dheer, ugu quruxda badan, uguna casrisan caasimadda Muqdisho iyo dalka oo dhan.

Dahab Tower waxaa leh shirkadda weyn ee Dahabshiil.

Dahab-Shiil dacaayad ma mudna ee dallacsiin ayay mudantahay.

Muqdishaawiyiintu waxey garabtaagan yihiin hadba ciddii maalgashi iyo shaqo-abuur u sameeneysa dhallinyarada ka timid 18ka gobolka ee dalka oo caasimadda u soo doonta fursadaha shaqo waxeyna qoyska reer Dahabshiil kamid yihiin shirkadaha ugu horreeya dhanka shaqo abuurka dhallinyarada.

Jaamacadda tiri dhismahan wuu soo dumayaa waa in ay maxkamad la fuushaa shirkadda dhismaha fulineysa.

08/09/2026

Deni ayaa gaaray degmada Gumbax ee gobolka Raas-Casayr

Sacuudi Carabiya oo Sheegtay in Weerarrada Xuutiyiintu ay Dhaawaceen 73 Qof.Mas’uul ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa shee...
08/09/2026

Sacuudi Carabiya oo Sheegtay in Weerarrada Xuutiyiintu ay Dhaawaceen 73 Qof.

Mas’uul ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in weerarro ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen gudaha boqortooyada ay ku dhaawacmeen 73 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Afhayeen u hadlay isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay bartilmaameedsadeen goobo ay dad rayid ah ku sugnaayeen oo ku yaalla magaalooyinka Abha, Khamis Mushait, Jazan iyo Najran.

Sacuudi Carabiya ayaa Xuutiyiinta Yemen ku eedeysay inay weerarro ku qaadeen goobo rayid iyo kuwo dhaqaale oo ku yaalla boqortooyada, taasoo sababtay dhaawaca ugu yaraan 73 qof.

Eedeyntan ayaa timid maalintii Talaadada, xilli uu sii xoogeysanayay dagaalka ka socda Yemen, halkaas oo dowladda uu caalamku aqoonsan yahay, ee ay taageerto Sacuudi Carabiya, ay billowday hawlgal milateri oo looga hortagayo weerarrada Xuutiyiinta, isla markaana dib loogu qabsanayo dhul ay kooxdaasi maamusho.

Wuxuu sheegay in isbahaysigu uu qaadi doono “tallaabooyin hawlgal oo lagama maarmaan ah” si uu uga hortago weerarradaas, isla markaana uu tallaabo ka qaado ilaha khatartaas. Ma jirin wax jawaab degdeg ah oo ka soo baxday dhinaca Xuutiyiinta.

Ka hor intaas, Xuutiyiintu waxay Sacuudiga ku eedeeyeen inuu duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyay xabsi ku yaalla al-Hazm, oo ku yaalla waqooyiga gobolka al-Jawf, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan toddobo qof. Kooxdu waxay sheegtay in “gardarrada joogtada ah ee Sacuudiga uu ku hayo Yemen aanay noqon doonin mid aan ciqaab lahayn”.

Yemen ayaa ku jirtay colaad tan iyo markii Xuutiyiintu ay la wareegeen caasimadda Sanca sannadkii 2014-kii, taasoo keentay in isbahaysi uu hoggaamiyo Sacuudigu uu faragelin milateri sameeyo sannadkii xigay. Dagaalkii u dhexeeyay labada dhinac ayaa inta badan istaagay kaddib heshiis xabbad-joojin ah oo ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay sannadkii 2022-kii, balse wuxuu dib u billowday kaddib dagaalkii ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran.

08/09/2026

bax lagu taageersanyahey Dowlada Turkiga oo lagu qaban doono Magaalada Muqdisho

Dowlada Somaaliya oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere..Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soo...
08/09/2026

Dowlada Somaaliya oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere..

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ” Gen khaalid” oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa kormeer ku tagay buundada magaalada halkaa oo uu ka muuqdo burbur xooggan isla markaana gabi ahaanba go’an oo aan shaqeynayn

Taliyaha iyo saraakiishii kormeerka ku wehlinaysay ayaa sidoo kale u kuurgalay xaaladda guud ee wabiga mara magaalada Baardheere gaar ahaan labada dhinac ee jiinka wabiga xaaladaha amni iyo mida nololeed ee halkaasi ka jira iyada oo laga Cabdi qabo biya baxooyin waa weyn oo la saadaalinayo guud ahaan somaaliye

Taliyaha Guutada 36-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax iyo Maamulka Degmada Baardheere oo uu wehlinayo Maareeyaha Garoonka Degmada Baardheere Jaamac Cali hire iyo ayaa Taliyaha iyo saraakiisha la socotay warbixin ka siiyay xaaladda amniga ee jiinka wabiga iyo baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira deegaanka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa ballanqaaday in wax laga qaban doono caqabadaha ka jira deegaanka iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo dib u dayac tirka burburka buundada oo sababay in Gabi ahanba ineysan shaqeyn buundada

Buundada Baardheere ayaa muhiim u ah isu-socodka bulshada iyo gaadiidka, iyadoo burburkeedu caqabad weyn ku yahay isku xirka labada dhinac ee wabiga iyo gaarsiinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

08/09/2026

"Wixii Heshiiska lagu ahaa waala laalay,cid aan Puntland awood uma leh inay deegaanadaan ka shaqayso"MW Deni

08/09/2026

Halkaan waa deegaanka Bashaqle oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, una dhexeeya Cadale iyo Warsheekh. Deegaanka ayaa u dhow goobta laga dhisayo saldhigga dayax-gacmeedka ee Turkiga.

Bashaqle waxaa ka socda dhismaha xarun milatari oo muhiim ah, taas oo la sheegay inay ka koobnaan doonto saldhig milatari, garoon ay isticmaalaan diyaaradaha ciidamada cirka iyo xarumo loogu talagalay ciidamada badda.

Hogaamiyaha Maamulka Puntland Siciid Deni oo ku dhawaaqay in uu sii xumaaday xiriirka kale dhexeeya.Madaxweynaha Puntlan...
08/09/2026

Hogaamiyaha Maamulka Puntland Siciid Deni oo ku dhawaaqay in uu sii xumaaday xiriirka kale dhexeeya.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland ay laashay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay si gaar ah u dhaqmeyso inta laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo ay Soomaalidu ku wada qanacsan tahay.

Deni ayaa yiri: “Heshiis kasta oo naga dhexeeyey Dowladda Federaalka waa la laalay. Si gaar ah ayaan u dhaqmeynaa inta Soomaali isaga imanayso. Dadka Xamar naga joogana waa dad shaqo tegey.”

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay heshiis ka gaaraan doorashada dalka iyo hannaanka siyaasadeed ee xiga.

Go’aanka Puntland ayaa sare u qaadi kara khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka, iyadoo weli la raadinayo hannaan ay dhinacyadu ku gaaraan is-afgarad.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Banaadir-Production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed Photography Service?

Share