Ibrahim garowe

Ibrahim garowe Ibrahim

Gabadhaan ayaa sheegtay hadalkaan:"Wiil Soomaaliyeed cay malahan, waana ka xaaraan Afkeyga in aan wax uga sheego, gabadh...
30/12/2025

Gabadhaan ayaa sheegtay hadalkaan:
"Wiil Soomaaliyeed cay malahan, waana ka xaaraan Afkeyga in aan wax uga sheego, gabadhaha Soomaaliyeed ee markey Ajaanibta guursadaan ama raacaan caaya wiilasha Soomaaliyeed iyaga oo iska gad-gadaya nimanka Ajnabiga ah waxaan leeyahay,

Walaaley ninkaa adaa raacey kugumana haysanno, balse wiilka Soomaaliyeed ee iladhashay ama idhalay ama aan dhali doono in aad wax iiga sheegto wax aan aqabalayno maahan raalina k**a nihin annaga nin Ajnabi ah hanaga gadin haddii uu adiga wax wayn kula yahay."

War gabadhaan maxaa tidhaahdeen?

Inaalillahi wa inaa ileyhi raajicuun waxaa xalay magaalada Jigjiga ku geeriyooday Xildhiban Cabdinur Colow Axmad waa gee...
26/06/2025

Inaalillahi wa inaa ileyhi raajicuun waxaa xalay magaalada Jigjiga ku geeriyooday Xildhiban Cabdinur Colow Axmad waa geeri naxdin badan.

Alle ha u naxariisto.

Sanad guuradii 32-aad ee xuska naalinta aas aaska Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ku beegan 23-ka Janaayo, ayaa si heer s...
23/01/2025

Sanad guuradii 32-aad ee xuska naalinta aas aaska Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ku beegan 23-ka Janaayo, ayaa si heer sare ah looga xusay gobollada Qorraxay, Liibaan, Shabeelle, Afdheer, Daawa, Siti, Nogob, Jarar, Doollo iyo Erer.

Munaasibadan oo si isku mid ah looga qabtay xarumaha gobolladaasi ayaa waxaa si weyn uga soo qeybgalay masuuliyiinta heer gobol, heer degmo iyo bulshada qeybaheeda kala duwan Ka hor inta aysan si rasmi ah u furmin munaasibaddu ayay hoggaaminta iyo shacabka ku kala nool gobolladaasi socod dheer ku soo kala mareen waddooyinka waaweyn ee halbawlaha u ah magaalooyinkaasi iyagoo lulaya calanka Deegaanka, islamarkaana muujinaya dareenkooda ku aadan maalintan taariikhiga ah intii ay socotay munaasibadu waxaa laga jeediyay khudbado lagu iftiiminaayo taariikhda, halgankii la soo maray iyo horumarka deegaanka. Sanadguuradan ayaana halkudhag looga dhigay "Halgankii aabayaasheen waa midhaha maanta."

Isku soowada duuboo xukuumadda hadda talada haysa ee Deegaanka Soomaalida ayaa noqotay xukuumaddii ugu horraysay ee si rasmi ah u suurtogalisa xuska calanka Deegaanka Soomaalida, islamarkaana tallaabadan taariikhiga ah ayaa waxay muujinaysaa dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto xoojinta midnimada iyo horumarka Deegaanka.

Xuska Calanka Deeganku maadama la rabo inay noqoto maalinguud oo Deeganku leeyahay waa inay noqot maalin si waddajira lo...
23/01/2025

Xuska Calanka Deeganku maadama la rabo inay noqoto maalinguud oo Deeganku leeyahay waa inay noqot maalin si waddajira loo xuso.Waa inay noqon karto maalin dadka middeysa oo kooxaha kala arragtida duwan isku arki karana faggaare wayn.

Biseyl siyaasadeed waa inuu jiro.Somaliland oo aan ogayn khilaafkii iyo loollankii ka dhaxeeyay Md-hore Muuse Biixi iyo Xisbiyadii mucaaradka, markii xuska 18May timaado hal meellay ku xusayeen.Midkastana wuu ka hadlayay faggaaraha.
Maanta oo kale waxay ahayd inaan arragno Mw Mistafe,Guddoomiyaha ONLF,Maadey, Ibraahin Dheere iyo xubnaha kalee xukuumadda ka arrgatida Duwan oo khudbado jeedinaya, islamarkaana garab taagan xukuumadda.Gogosha in aad loo ballaadhiyo ayay ahayd.Haddana koley maadama xusku ballaadhan yahay waxaan filayaa in wax laga saxo geedi socodka, si sawirka xuska maalinta Calanka loo ballaadhiyo.ciddii maqan xitaa inay soo dhoofto oo horey loo casuumay ahayd.

Meesha ay Kornayladii ku dhimanyaan Shacabkii maxaad ka Filaysaa?3-Sargaal oo ka Tirsan ciidanka deegaanka ayaa naloo xa...
20/12/2024

Meesha ay Kornayladii ku dhimanyaan Shacabkii maxaad ka Filaysaa?

3-Sargaal oo ka Tirsan ciidanka deegaanka ayaa naloo xaqijiyay geeridooda halka Madaxii dambi ka Hortaga Gobolka Jarar Kornayl Maxamed Yuusuf Cuuke uu dhaawac halis ah yahay.

4-kamida istaafkiisa ayaa sidoo kalle ku geeriyooday dagaalka Saaka.

Dhimashada 30 ayeey kor usii dhaafaysaa sida aan xoggihii ugu dambeeyay ku helayno.

Dagaalku sadex jiho ayuu ka socday taasoo ku Tusaysa baaxada dagaalka ka socda Dacawaley.

Dhanka beesha arab dhaawacyada waxay u daabulayeen dhinaca soomaliland iyagoo halkaas ka helay Gurmad Xoogan oo uga imaanayay.

Halkan Kalla soco wixii soo kordhaa.

MW Mustafe: "Qurbo Joog wali qalbiga tuullo joog ka ah ayaa dhibaatada qayb ka ah."Mw mustafe, ayaa qoraalka hoose qoray...
09/08/2024

MW Mustafe: "Qurbo Joog wali qalbiga tuullo joog ka ah ayaa dhibaatada qayb ka ah."

Mw mustafe, ayaa qoraalka hoose qoray:

"Qiyaasta caadiga ah waa in dadka qurbaha tagay ee badaha ka talaabay ay u korodhay ilbaxnimo iyo aqoon kor uga kobcisay garaadka dadkii aan fursado waxbarasho iyo mid magaalo-joognimo toona helin ee ay tuulooyinka kaga tageen. Wayna jirtaa in aqlabiyadda qurbajoogtu yihiin kuwo sifooyinkaa leh oo dadkoodii ay dalka kaga tageen wax ku soo kordhiya. :

"Waxaase qiyaastaa garab marsan qayb qurbajoogta ka mid ah oo wali qabqable iyo afminishaar tuulo-joog ihi maalo, maalin walbana u alifo ajande waxooga dhaqaale ah lagaga daadsado iyadoo loo garaacayo durbaan ah reer hebel baa ina soo maagaye dhaqaale soo dira aan iskaga celino!"

"Xidhiidhka aan caafimaadka qabin ee Qabqable tuulo-joog ah iyo Qurbajoog qalbiga tuuladii uu u dhashay aan wali ka tagin ayaa inta badan sabab u ah isku dhacyadda bulshadda. Si kale hadii loo dhigo isku dhac bulsho maaha ee waa ganacsi sharci-daro ah oo aan ka duwanayn tahriibka iyo fal dambiyeedyada kale ee la xidhiidha in dheef laga raadiyo dhibaataynta bini’aadamka."

Qarax Xoogan ayaa Hada ka dhacay albaabka Danbe ee Xarunta Gobolka Banaadir, wali lama sheegin Khasaaraha uu Sababay Qar...
16/01/2024

Qarax Xoogan ayaa Hada ka dhacay albaabka Danbe ee Xarunta Gobolka Banaadir, wali lama sheegin Khasaaraha uu Sababay Qaraxan.

Wixii kasoo Kordha halkan kala Soco.

Waa kanaa Hashiiska oo dhameystiran oo goordhow lasoo saaray.“Itoobiya inay samayso qiimayn qoto dheer oo ku wajahan ina...
03/01/2024

Waa kanaa Hashiiska oo dhameystiran oo goordhow lasoo saaray.

“Itoobiya inay samayso qiimayn qoto dheer oo ku wajahan inay mawqif ka qaadato dedaalka Somaliland ugu jirto aqoonsi raadinta” ayaa lagu yiri Hashiiska.

ibrahim garowe

Shiikh Shaakir oo katirsan Galmudug ayaa Muqdisho looga yeelay, Su'aashu waxa ay tahay Yaa u yeeray?Galmudug maxaa lala ...
28/12/2023

Shiikh Shaakir oo katirsan Galmudug ayaa Muqdisho looga yeelay, Su'aashu waxa ay tahay Yaa u yeeray?

Galmudug maxaa lala maagan yahay?
Ma ahlu-sunna iyo QoorQoor ayaa la isku ballaminayaa mar kale?

Sanadka cusub Hal wax oo aad rajeeneyso Sawirka soo qaado.
27/12/2023

Sanadka cusub Hal wax oo aad rajeeneyso Sawirka soo qaado.

Address

Addis Ababa

Telephone

+251943984510

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ibrahim garowe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share