02/09/2026
Sirta guusha nolosha waa inaad si miyir leh u fahamto nolosha aad ku nooshahay. Ha u noolaan si caadi iska ah adigoon fikirin. Qofku waa inuu marka h**e ka fikiraa noloshiisa iyo qoyskiisa: sidee ayay u noolaayeen hooyaday iyo aabbahay? Maxay ahaayeen khaladaadka xiriirkooda? Maxaa sababay furriin, kala fogaansho ama dhibaatooyin qoys?haday aabe iyo hooyo is qabaan is waydii xidhiidhkooda waa sidee maxaa ka khadan hab korintaadii see bay ahayd.
Jawaabaha su’aalahan waxay kuu furayaan faham iyo aragti cusub, waxayna kaa caawinayaan inaad ogaato meelaha daciifka ah si aadan ugu celin khaladaadkii h**e noloshaada.
Taas ayaa la yiraahdaa miyir ama wacyi. Wacyigu qofka ayuu ka bilaabmaa, deegaanka keliya k**a yimaado. Deegaanku wuu ku saameyn karaa, laakiin wacyigaagu waa waxa kaa caawinaya inaad la dagaallanto saameynta xun, kana dhigaya qof xoog badan oo si wanaagsan ula tacaali kara xaaladaha nolosha.