Hargeysa Today

Hargeysa Today Hargeisa Today Kala Soco Warar iyo Muuqaallo Cusub Hargeysa Today kala soco muuqaallo Xiiso Leh
(5)

Xukuumadda Somaliland Oo Ganafka Ku Dhufatay Go’aan Ay Shirkadaha Korontadu Ku Shaaciyeen Kordhinta Qiimaha KorontadaHar...
08/09/2026

Xukuumadda Somaliland Oo Ganafka Ku Dhufatay Go’aan Ay Shirkadaha Korontadu Ku Shaaciyeen Kordhinta Qiimaha Korontada

Hargeysa (HT)- Xukuumadda Somaliland ayaa ganafka ku dhufatay go’aan ay shirkadaha korontadu ku shaaciyeen inay ku kordhinayaan qiimaha korontada, iyadoo Komishanka Nidaaminta Tamartu caddeeyey in aan la oggolayn wax korodh ah oo ka baxsan tacriifadda rasmiga ah ee dalka.

War-saxaafadeed ay soo saareen ururka shirkadaha Korontada, ayaa lagu sheeegay inay bishann 9aad kordhinayaan qiimaha korontada, iyagoo taas ku sababeeyey saamaynta dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay qiimaha shidaalka caalamka.

Hadalka iyo tallaabada shirkadaha korontada ayaa si toos ah uga hor imanaya go’aan uu Madaxweynaha Somaliland h**e sannadkan u soo saaray, kaas oo lagu dhimay qiimaha korontada si loo yareeyo culayska dhaqaale ee ka jira shacabka.

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland ayaa lagu sheegay inaanay jirin hay’ad ama cid sharci ahaan awood ugu leh inay si iskeed ah u kordhiso qiimaha korontada, isla markaana shirkadaha adeegga korontadu waajib ku tahay inay ku shaqeeyaan tacriifadda rasmiga ah ee la ansixiyey.

Komishanku waxa uu sheegay in tallaabooyinka ay shirkadaha qaar ku doonayeen inay ku kordhiyaan qiimaha korontadu yihiin kuwo aan waafaqsanayn nidaamka sharci ee dalka, isagoo faray shirkadaha inay si buuxda ugu hoggaansamaan qiimaha korontada ee uu dejiyey go’aanka xukuumadda.

Arrintan ayaa noqonaysa isku dhac muuqda oo u dhexeeya go’aanka shirkadaha korontada ee kordhinta qiimaha iyo siyaasadda xukuumadda Somaliland ee h**e loogu dhimay qiimaha korontada dalka.

Komishanka Nidaaminta Tamarta ayaa ugu dambayn uga digay shirkadaha korontada inay jebiyaan tacriifadda la ansixiyey, isagoo carrabka ku adkeeyey in tallaabo sharci ah laga qaadi karo cid kasta oo ka hor timaadda go’aannada iyo xeerarka lagu maamulo qiimaha korontada Somaliland.

Hargeysa Today

Horn Petroleum oo Noqotay Wakiilka Rasmiga ah ee Saliidaha SHELL Shirkadda Horn Petroleum ayaa noqotay wakiilka rasmiga ...
08/09/2026

Horn Petroleum oo Noqotay Wakiilka Rasmiga ah ee Saliidaha SHELL

Shirkadda Horn Petroleum ayaa noqotay wakiilka rasmiga ah ee saliidaha SHELL, kadib heshiis taariikhi ah oo maanta magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku kala saxeexdeen shirkadda VIVO Energy.

Heshiiska, oo xoojinaya iskaashiga ganacsi ee labada shirkadood, waxaa munaasabad ka dhacday Dubai ku kala saxeexday Maamulaha Horn Petroleum, Mahad Abdi Ali, iyo Madaxweyne Ku-xigeenka VIVO Energy, Karim Kermen.

VIVO Energy ayaa masuul ka ah qaybinta iyo suuq-geynta saliidaha Shell ee loogu talagalay gaadiidka iyo wershadaha ganacsiga, iyadoo heshiiskan cusub uu Horn Petroleum siinayo door muhiim ah oo ku saabsan qaybinta iyo gaadhsiinta badeecooyinka Shell.

Horn Petroleum, oo ka tirsan Dahabshiil Group, ayaa heshiiskan ku sii ballaadhinaysa doorkeeda ku aaddan bixinta adeegyo iyo badeecooyin tayo leh oo la xidhiidha tamarta iyo shidaalka.

Heshiiskan ayaa sidoo kale la filayaa inuu furo fursado cusub oo kor loogu qaadayo adeegyada tamarta iyo helitaanka badeecooyin heer caalami ah oo loogu talagalay macaamiisha iyo ganacsiyadaa kala duwan.

Hargeysa Today

04/09/2026

Haldoorka iyo Haweenka Beelaha BahaMuuse Oo Kulan Aayo-ka-tashi ah Hargeysa Ku Yeeshay

03/09/2026

Madax-dhaqameed mise Siyaasiyiin?

30/08/2026

Maamulka sare ee 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐥 𝐁𝐚𝐧𝐤 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxda sare ee hay’adda caalamiga ah ee 𝐀𝐥𝐢𝐠𝐡𝐭, oo h**e loogu aqaanay, 𝐀𝐦𝐞𝐫𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐑𝐞𝐟𝐮𝐠𝐞𝐞 𝐂𝐨𝐦𝐦𝐢𝐭𝐭𝐞𝐞 (𝐀𝐑𝐂).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta ka dhexaysa dhinacyada, gaar ahaan dhinacyada adeegyada maaliyadeed, horumarinta bulshada iyo hirgelinta mashaariic taageeraya koboc dhaqaale oo loo dhan yahay.

Labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee mashaariicda muhiimka u ah bulshada, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, helitaanka biyo nadiif ah, shaqo-abuurka iyo horumarinta ilaha nololeed, helitaanka adeegyada maaliyadeed, si loo sameeyo fursado dhaqaale oo cusub oo ay ka faa’iidaysan karaan qaxootiga, barakacayaasha, bulshooyinka nugul iyo kuwa martigeliya ba.

Mashaariicdan ayaa muhiim u ah kor u qaadidda tayada nolosha iyo dhisidda bulshooyin awood u leh inay si waarta u horumaraan.

Alight, oo la aasaasay sannadkii 1978-kii, waa hay’ad caalami ah oo samafal iyo horumarineed, kana shaqaysa taageeridda qaxootiga, barakacayaasha iyo bulshooyinka ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo. Hay’addu waxay xoogga saartaa xalal waara oo bulshada ku dhisan, sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo fayadhowrka, ilaalinta bulshada, taageeridda ilaha nololeed iyo barnaamijyo kale oo lagu xoojinayo isku-filnaanshaha bulshada.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dahabshiil Group iyo Dahabshil Bank International ugu jiraan taageeridda iskaashiyada istaraatiijiga ah ee horseedaya horumar waara, koboc dhaqaale iyo fursado loo siman yahay.

SOLJA Oo Ka Digay ‘Cadaadiska, Cabsi-gelinta iyo Cabudhinta’ Suxufiyiinta SomalilandUrurka Suxufiyiinta Somaliland ee SO...
30/08/2026

SOLJA Oo Ka Digay ‘Cadaadiska, Cabsi-gelinta iyo Cabudhinta’ Suxufiyiinta Somaliland

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa walaac xooggan ka muujiyey xadhigga suxufi Cabdiqani Xuseen Abokor, oo loo yaqaan Cabdiqani Baylood, kaas oo la xidhay subaxnimadii shalay, sida uu ururku sheegay.

SOLJA ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in suxufiga loo jaray toddoba maalmood oo xabsi-ku-hayn ah, kadibna loo gudbiyey Xabsiga Weyn ee magaalada Hargeysa.

Sida uu ururku sheegay, Cabdiqani Baylood waxaa lagu soo oogay eedo hordhac ah oo loo cuskanayo Qodobbada 215 iyo 220 ee Xeerka Ciqaabta Guud, kuwaas oo SOLJA sheegay inay la xidhiidhaan muuqaal uu suxufigu ka duubay Abwaan Jiheeye oo isna la xidhay.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ayaa walaac ka Muujiyey habka loo maray xadhigga suxufiga oo ururku sheegay in aan loo marin hannaan sharci ah iyo amar maxkamadeed.

SOLJA waxay ugu baaqday hay’adaha amniga iyo caddaaladda Somaliland in kiiska Cabdiqani Baylood loo maro hannaan sharci oo ku dhisan caddaalad, hufnaan iyo dhowrista xuquuqda suxufiga.

Ururku wuxuu sidoo kale ka digay in xadhigga iyo dacwadaha loo adeegsado cabudhinta saxaafadda ama xannibaadda xorriyadda hadalka, isaga oo ku adkeystay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo xaqa bulshada u leedahay helitaanka macluumaadka iyo xogaha saamaynta ku leh noloshooda.

Ururka SOLJA wuxuu sheegay inay suxufiga u qabteen qareenno u dooda, isla markaana ay si dhow ula socoto kiiska, iyadoo dadaal ugu jirta sidii Cabdiqani Xuseen Abokor u heli lahaa xorriyaddiisa.

Ugu dambayn, ururka ayaa mar kale ka digay cadaadiska, cabsi-gelinta iyo xadhigga suxufiyiinta, isaga oo ku baaqay in la ilaaliyo xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda suxufiyiinta si waafaqsan sharciga.

29/08/2026

Qoyska Abwaan Jiheeye Oo Shuruudo Culus Hordhigay Madaxweynaha Somaliland

28/08/2026

Shirkaddaha Dahabshiil Group ayaa qayb ka ahayd taabo-geliyayaasha Future Forum: Building the Future 2026, oo ah madal muhiim ah oo diiradda lagu saarayo horumarinta Ganacsiga, Tiknoolajiyadda iyo Hal-abuurka.

27/08/2026

Siyaasi Naqdiyey Tuhunka Aamuska Cirro, Tumaatiga Geellaha Jabuuti iyo Tabaalaha Shacabka Somaliland!

26/08/2026

"Somaliland Gudaheeda dagaal Sokeeyey Ayaanu Ka Ridi, Waanu La kala Safan doonaa... dee dagaalku waa Kii.." - Geellaha Jabuuti oo Warka Lagu Caddeeyey

Address

Hounslow
London

Telephone

+252633347278

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hargeysa Today posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share