15/02/2026
"Gurmashada dagaalkiyo
Gulufkiyo colaadaha,
Goobaha nafwaagiyo
Halka laysku gawraco,
Marka gorodda lays daro,
Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn,
Sida galowga dhiilloon
Illeen geesi qeyrkii,
Birta kuma gumaadeen?
Gu' hagaagay oo da'ay,
Guryasamo barwaaqa ah,
Dhulka geedo jiifaan,
Haddii geeddi lagu furo;
Dhallinyaro is gurataa
Gurdanraaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo,
Cagta garangarteediyo
Isu geysa jiibtoo,
Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro,
Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa
Qof gaboobey kicisoo,
Gelbiskiyo mashxaraddaa
Gama' kaa ilaashee,
Haddaan gabadhi boodayn;
Illeen gegi ciyaareed
Wax ma dhaanto Geriyaad?
Haddaan guudka laga jirin,
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin,
Marwo dumar garka u xidhan,
Illeen guri dugsoon ma leh?
Gaadaha habeenkii
Kelidaa galgalashiyo
Gedgeddoonka dhalisoo,
Adigiyo go'aagaa
Hadba dhinac u guuroo,
Barkintaad gabbood iyo
Gaashaan ka dhigataa,
Haddaan guud-haldhaaley
Kolba gacan la saarayn,
Illeen gogoshu wehel ma leh.
Kuma galo adduunyada
Ninna goonni socodkoo,
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo,
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaha naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee,
Haddaan gaari kula jirin
Illeen noloshu guul ma leh."
#