06/03/2017
Asc dhamaan asxaabta iyo familyagayga qaaliga ah waxaan halkan idinkusoo jeedinayaa is xasuusid dhanka wanaaga diinteena islaamka ah taasoo inagu waajiba inaynu isxasuusino ima amaanaysiiya qalbiyadiina laabihiinana usii daaya waxaan ka hadlayaa mawduuc ku saabsan sabarka waana sidatan soo socota insha allah
Xadiisbaa jira uu soo weriyay ABUU SICIID SACAD BIN MAALIK BIN SINAAN AL-KHURDI
Asxaabiga alle haka raali ahaadee wuxuu yidhi:- dad kamid ahaa ansaartabaa waxay ka codsadeen nabigeena kusali waa nabigeena xabiibka ah khayru khalqilaahiga ah( S•C•W) inuu waxsiiyo ,waanuu siiyay, hadana marlabaad waxay waydiisteen wax inuu siiyo waana uu siiyay goor ay ka dhamaatay ama sidaad u taqaanane jeer ay kadhamaatay rasuulkeena S•C•W kusali markaad maqasho xabiiibkeena wuxuuna yidhi waa nabigeena e (scw) :- hadaan wax hayoba k**a labalabeeyo ee waan idinsiin lahaa ogaadase :-qofkii isdhawraba alle wuu dhawraa ,qofkii isdeeq toosiyana alle wuu toosiyaa, qofkii sabra alle wuu sabarsiiya ,qofna lama siin galad ka wanaagsan kana khayr badan sabarka iyo isu dhiibida alle
{Bukhaari iyo muslim}
Waxaa jira aayado ka hadlaaya iyana waxaanan kasoo qaadanayaa aayadan oo ku jirta suuratul al-baqra aayada155
Wuxuu yidhi alle subxaanuhu watacaala;-
"Kuwa xaqa rumeeyaw{ waa muuminiinta} e sabra oo sabarka ku tartama oo heegan u ahaada iyo kuwo adkaysi badan ,xilka alle idinsaarayna dhawra aad liibaantaane "
Suuratul aali cimraan aayada 200