15/05/2025
Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka gobolka Tigray ayaa xaqiijiyey in dadka ajaanibta ah laga mamnuucay inay u safraan gobolkaas waqooyiga Itoobiya, xilli ay cirka isku sii shareerayaan khilaafaadka u dhexeeya dawladda dhexe iyo madaxda gobolka.
Xili gobolka Tigray weli ka soo kabanayo dagaalkii sokeeye ee 2020 ilaa 2022-kii, waxa maamulka deegaanku dib u fureen adeega dalxiiska ee gobolka bishii h**e, si gaar ah goobaha taariikhiga ah sida magaalada qadiimiga ah ee Aksum. Inkasta oo dadka u soo dalxiis tegayaa yaraayeen haddana waxa uu gobolkan soo kabanaya u noqday il dhaqaale.
Dawladda dhexe ee Itoobiya iyo shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines—oo ah tan kaliya ee u kala gooshta caasimadda Addis Ababa iyo caasimadda gobolka Mekelle—ayaa ilaa hadda aan ka hadlin arrintan.
Sida ay qortay majaladda Africa Intelligence, rakaab ajaanib ah oo doonayay inay ka dhoofaan Addis Ababa una safraan gobollada Canfarta iyo Tigray ayaa laga celiyey garoonka diyaaradaha ee Bole International. Warbixintaas ayaa sheegtay in amarku ka yimid Hay’adda Sirdoonka Qaranka Itoobiya (NISS).