12/09/2023
Xisbiyada Kaah, Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal oo heshiis ka gaaray dhismaha golaha deegaanka degmooyinka Puntland.
Waxaa magaalada Garoowe kusoo gaba-gaboobay shirar u socday xisbiyada siyaasada Puntland qaarkood kaas oo ku aadanaa dhismaha golayaasha deegaanka Puntland ee dhawaan lasoo doortay.
Ururada Kaah, Sincad, Mustaqbal iyo Ifiye ayaa ku heshiiyay in la qayb-sado oo la wada-dhisto degmooyinka Puntland marka laga reebo magaalooyinka aqlabiyada ay ku yihiin xisbiyadu ee ay iyagu dhisan karaan.
Xisbiyada mucaaradka ayaa horay shir ula yeeshay Xisbiga Mideeye kaas oo ku aadan in si wadajir ah ay mucaaradku u dhistaan degmooyinka si looga adkaado xisbiga dawlada ee Kaah, balse Mideeye ayay ku xireen 2 shuruudood oo kala ah in marka h**e shahaadada xisbinimada soo qaataan, sidoo kalena ay soo magacaabaan xubinta PEC.
Xisbiga Mideeye ayaa diiday shurudahaas, waxayna xisbiyadu dib ugu laabteen Xisbigga Kaah ee dawlada kaas oo ay is-afgarad la gaareen ayna wada dhisanayaan degmooyinka Puntland sida ilo wareedyo tebinayaan.
Talaabadaan ayaa ka dhigan in 30ka degmo ee Puntland uu Mideeye ka dhisan doono degmooyinka Dhudhub iyo Gumbax oo keli ah, shaqada dhismaha ayaa dhawaan bilaabanaysa sidda qorshuhu yahay.