30/05/2026
Maxaay degmo badhan udhafiwayday Dowladda Puntland malayswadiyey reer sanaag aragtida ?
Maanta waxaa si rasmi ah loo daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026. Mas’uuliyiintii dowladda ee ka qayb-galay furitaanka imtixaanka waxay ku ekaadeen degmada Badhan, halkaas oo ay imtixaanka u fadhiisteen 1,544 arday oo ka kala socda guud ahaan gobolka Sanaag.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira magaalooyin iyo degmooyin badan oo gobolka ka tirsan oo aanay mas’uuliyiintaasi booqan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
* Hadaaftimo
* Yube
* Carmale
* Shirbirale
* Damala Xagare
* Degmada Ceelbuh
* Degmada Xingalool
* Degmo Baragaha Qol
Bulshada deegaannadan waxay isweydiinayaan sababta aan loo gaadhin dhammaan goobaha imtixaanku ka socdo, iyadoo ardayda ku nool deegaannadaasna ay qayb ka yihiin mustaqbalka waxbarasho ee gobolka Sanaag.
Aragtidaadu maxay tahay? Ma habboon tahay in mas’uuliyiintu booqdaan dhammaan degmooyinka ay imtixaannadu ka socdaan?