Mulki Media Pro

Mulki Media Pro Creative Video And Photo Gelinta Dumarka
Hooyo Kaalay Ila Lugee

13/02/2026

Nagala Soco warar lagu Kalsoon Yahay Mulki Media Pro

12/02/2026

Wa In talabo Laga qaado cid kasta oo nabadda ku Dulaysa 🚫🚫🚫❌

Hambaliyo iyo Bogadin Xukumadda iyo Shaqadada Ka tagan iyo xebaha

12/02/2026

Xukumadda Oo Bilowday Inay Talabo Shaci ah Ka Qado dadka Caya madaxda Daalka Iyo isku Dirka Shacabka walalaha ah! πŸ’ͺ

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku caddaynayaa wararka lagu baahiyey baraha bulshada e...
12/02/2026

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku caddaynayaa wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee la xidhiidha kiis nin u dhashay dalka Suuriya, kaas oo muuqaallo ku faafiyey baraha bulshada, kana cabaanayay qaabkii loo qabtay.
Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu xaqiijinayaa in ninkaasi Maxk**adda Degmada Hargeysa ay u soo jartay waaran qabasho ah.

Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si aada uga xun yahay qaabka ay wax u dhaceen intii hawlgalkaasi socday. Sidaas darteed, waxa si degdeg ah tallaabo looga qaaday Askartii falkaas samaysay , waxaana haatan socda baadhitaan dheeraad ah.

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa mar walba ka go’an ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo dadka ku sugan dalka, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka dalka u yaalla.

12/02/2026
Ma taqanaa labaatan iyo shanta dal ee visa la'aan ku tagi karto baasaboorkaan Soomaaliga ah? hoos ka fiiri wadamada ay y...
12/02/2026

Ma taqanaa labaatan iyo shanta dal ee visa la'aan ku tagi karto baasaboorkaan Soomaaliga ah? hoos ka fiiri wadamada ay yihiin.

12/02/2026

"Ciise duulaan kuma aha deegaan aan dhulkiisa ahayn, Ugaaskuna kuma Baaqin Dagaal ee..." Odayaal Beesha Ciise.

08/02/2026

Tolkay Nabadda Qaata Ma rkasta Wiixi Gurigina Idiinku Soo Werarana Dufaac Ka ahaada!

29/01/2026

Mulki Media Pro ku xidhnow

𝗗𝗨π—₯π—•π—”π—”π—‘π—žπ—” π—–π—’π—Ÿπ—”π—”π——π—” & 𝗗𝗔𝗔π—ͺ𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔 π—«π—¨π—žπ—¨π—¨π— π—”π——π—” 🚫🚫🚫❌  Gobolka Selel ee JSL waxa ka aloosan xaalad colaadeed oo si cad loo daree...
29/01/2026

𝗗𝗨π—₯π—•π—”π—”π—‘π—žπ—” π—–π—’π—Ÿπ—”π—”π——π—” & 𝗗𝗔𝗔π—ͺ𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔 π—«π—¨π—žπ—¨π—¨π— π—”π——π—” 🚫🚫🚫❌

Gobolka Selel ee JSL waxa ka aloosan xaalad colaadeed oo si cad loo dareemayo durbaanka dagaal, taas oo ay hormuud ka yihiin madax-dhaqameedka gobolka Awdal, kuwaas oo si fagaare ah u iclaamiyay dagaal ka dhan ah beesha Ciise. Arrintani ma aha mid qarsoon ama hadal-hoosaad ah, balse waa mid maanta gaadhay heer ay warbaahinta la hor istaagaan, iyaga oo ku baaqaya weerar lagu qaado bulsho ka mid ah muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca kale, odayaasha dhaqanka beesha Ciise oo maalmo ka hor Hargeysa kaga dhawaaqay baaq nabadeed, kuna boorriyay walaalahood wada-dhashay in la ilaaliyo nabadda iyo wada noolaanshaha, codkooda lama tixgelin, mana noqon mid laga hoos qaado ama lagu hakiyo durbaanka colaadda ee sii xoogaysanaya.
Waxa iyaduna si weyn loo dareemayaa kaalinta liidata ee xukuumadda Somaliland ka qaadanayso xaaladdan, iyada oo u muuqata daawade uun, h**e iyo hadaba. Tani ma aha markii ugu horraysay ee xukuumaddu ku fashilanto maaraynta arrimaha la xidhiidha beesha Ciise, waxaana tusaale cad u ah sida masuuliyad-darrada ah ee loo maamulay dhacdadii buugga xeer Ciise, oo ay dadka deegaankaasi doonayeen inay si nabdoon ugu qabsadaan bandhiga buuga xeer-ciise magaalada saylac, balse xukuumaddu ay ka bixisay tafsiir qaldan.
Maanta se xaaladdu way ka sii darantahay, colaadda taagan xukuumadda k**a muuqato wax tallaabo ah, iskuday nabadeed ama dadaal lagu joojinayo dhiig daata. Halkii laga filayay in dawladdu dhex-gasho, odayaasha isu keento, sharcigana la tiigsato cid kasta oo dagaal iclaamisa, waxa muuqata hagrasho iyo aamusnaan dhanka xukuumada ah, gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha oo iyadu qaranka uga masuul ah amniga gudaha.
Xukuumaddu waa inay doorkeeda dastuuriga ah qaadato, bulshadana walaalaha ahna ee awdal & selelna isku keento oo midayso.
Muwaadiniinta waxa uu dastuurku u damaanad qaaday xuquuq siman, badbaado iyo sharci isku mid ah, sidaa darteed colaad-hurinta hada taagani waa masiibo qaran. Waa in nabadda loo kacaa, dadka qaldanna runta loo sheegaa, ciddii hurinaysa colaaddana sharciga la hor keenaa, si loo badbaadiyo midnimada, wada noolaanshaha iyo mustaqbalka Somaliland.


22/01/2026

Wa Jamac wiilki Dhintay Walalki 😒 baal eeg Dadkaas Maskiinta ah ee lagu tilmamay !?

Ma maantuuu Noqday!

Address

Biibsiga, Agagaarka Xarunta UNDP Da, Kasoo Horjeedka Miiska Saraakiisha, Dhismaha Harhub
Hargeisa
AA999

Telephone

+252634164721

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mulki Media Pro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mulki Media Pro:

Share