Haashi Media pro

Haashi Media pro page kan waxaad ka helsaa sawiro qurux badan iyo video tayo leh u welcome photography

02/04/2026
06/02/2026
Hambalyo zxb
02/02/2026

Hambalyo zxb

Hambalyo meher wacan Abdiwahan iyo Marwadiisa Arwa
21/10/2025

Hambalyo meher wacan Abdiwahan iyo Marwadiisa Arwa

30/12/2024

Isla Xisaabtan ku wajahan:Somaliland Hono GroupGolaha Deegaanka Caasimada Hargaysa waxaa uu kalfadhigiisii 11 aad ansixiyay wadada ka timaada Airport Hargaysa ilaa Sabaxareed oo dhan 1.95KM oo ay maal galisay Dawlada Taiwan mashruucaasi oo loogu talo galay in ay wadadu noqoto 4 Haad oo is waydaara, meeshii dadku marayay,biyo mareenadii, sadex lakab, daamurkii iyo dhamaan agabkii kale sida Laydh Iwm.Sidaa daraadeed waxaa looga baahan yahay shirkada dhisaysa ee uu mulkiilaha ka yahay Cumaani la timaado isla xisaabtan hufan oo ay ku waajihi doonto xildhibaano iyo qaar ka mida Injineero kala duwan iyadoo aanu ka taxadirayno inaan iska horimaad ka dhex dhicin bulshada iyo shirkada qaadatay qandaraaska dhismaha Taiwan Airport Road. cudhay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Tababar u furay golaha wasiirrada ee cusub.Hargeysa-28-12-2024-()-Madaxweynaha ...
28/12/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Tababar u furay golaha wasiirrada ee cusub.
Hargeysa-28-12-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa golaha wasiirrada cusub ee uu dhawaan soo dhisay u furay tababar kor loogu qaadayo isla jaanqaadka xukuumadda iyo wada shaqaynta muhiimka ah guusha uu Qarankani higsanayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo madasha lagu tababarayo xubnaha golaha wasiirrada ee cusub ka jeediyey khudbad salka ku haysa muhiimadda tababarka iyo natiijada ay tahay inay kasoo baxdo, ayaa ugu horrayn sharraxay sida ay muhiimka u tahay in koox kasta oo masuuliyadad-wadareed lihi u yeelato bar-bilow iyo sees ay shaqadeeda ku ibo furto.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi isaga oo ka hadlaya muhiimadda ay uu tababarkani u leeyahay xukuumadda waxa uu yidhi, “Si loo abuuro bar-bilowga ay tahay in dhammaan kooxdu ay iskala jaanqaaddo, loona helo iskaashiga, wada shaqaynta iyo fahamka shaqo ee lagama maarmaanka u ah guusha, kulankiinani arrintaas ayaa uu la xidhiidhaa, wuxuu abuurayaa isfahamkii shaqo, waxaanu sees u noqonayaa dadaalka aynnu doonayno in masuul kastaa uu buuxiyo kaalintiisa, kana soo baxo masuuliyadda laga sugayo, si loo gaadho yoolka guud ee Qaranka.”
Natiijada la filayo inay soo baxdo marka uu tababarku dhammaado, ayuu madaxweynuhu ka hadlay, waxana uu yidhi, “Ujeeddada aynnu ka leenahayna waa in aynnu kala tagno innaga oo isla fahanay xaaladda maanta ee Qaranka iyo halka ay tahay in loo dhaqaaqayo,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu ka hadlay dhibaatadii ka dhacday deegaanka Dacawaley ee lagu laayey dadka shacabka ah, waxana uu hoosta ka xariiqay inay dedaallada dhibtaas lagu deminayaa meel fiican marayaan, isaga oo tacsi u diray dadkii dhacdadaas ku geeriyooday, kuwa ku dhaawacmayna u duceeyey, waxana uu yidhi, “Meel fiican ayey marayaan dadaallada aynu dhibaatadaas xalkeeda ugu jirnaa, in sha Allaahna guul ayaa ay ku dhammaan doonaan. Waan ka xunnahay dhibaatadaas dhacday, waajibka ugu weyn ee yaallaana waa in khasaaraha halka ugu yar ee suurtagal ah aynnu ku joojinno, kana hortago in dhibtu soo noqoto. “
Tababarka uu maanta furay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo muhiimad weyn u leh xukuumadda cusub waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, iyada oo ay dhammaanba xubnaha golaha wasiirrada ee cusubi goobta tabobarka xaadir ku ahaayeen.
Wa-bilaahi Tawfiiq

“Waxaan hoosta ka xariiqayaa in Somaliland ay diyaar u tahay in ay Dalkeeda, Diinteeda iyo Dadkeedaba Difaacato” Madaxwe...
28/12/2024

“Waxaan hoosta ka xariiqayaa in Somaliland ay diyaar u tahay in ay Dalkeeda, Diinteeda iyo Dadkeedaba Difaacato” Madaxweyne Cirro

Hambalyo Meher wacan zxbka Mohamed Kaariye
22/10/2024

Hambalyo Meher wacan zxbka Mohamed Kaariye

hambalyo aroos wacan Sakariye Ikraan
14/10/2024

hambalyo aroos wacan Sakariye Ikraan

hambalyo aroos wacan muntaas iyo abdi
30/06/2024

hambalyo aroos wacan muntaas iyo abdi

Address

Hargeysa

Telephone

+252634044086

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Haashi Media pro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Haashi Media pro:

Share