04/02/2026
Febraayo 4, 2026 – Muqdisho
Waxaa maanta Muqdisho si rasmi ah uga furmay kulanka Strengthening Evidence Based Health Planning through HMIS Performance Showcase (2022–2025), oo ah bandhigga Xogta caafimaadka kaas oo ay soo qabanqaabisay Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Caafimaadka Federaalka iyo bahwadaagta horumarinta caafimaadka.
Ujeeddada kulankan ayaa ah in la xoojiyo qorsheynta caafimaadka, iyada oo la adeegsanayo xogta nidaamka macluumaadka caafimaadka (HMIS), isla markaana la soo bandhigo waxqabadka HMIS intii u dhaxaysay 2022–2025.
Intii uu socday kulanka, waxaa lagu falanqeeyay:
Doorka istaraatiijiga ah ee HMIS ee kor u qaadidda waxqabadka nidaamka caafimaadka, isla xisaabtanka iyo go’aan qaadashada.
Xaaladda guud iyo horumarka HMIS ee Soomaaliya iyo Agaasinka Cafimaadka Gobolka Banaadir.
Muujinta waxqabadka HMIS ee BRA, tilmaamayaasha muhiimka ah iyo saameyntooda ku aaddan qorsheynta ku saleysan xog.
Aragtida iyo taageerada bahwadaagta, sida WHO Somalia, UNICEF Somalia iyo hay’adaha kale, ee la xiriirta tayeynta xogta, isdhexgalka nidaamyada iyo dhisidda awoodda shaqaalaha.
Dood furan oo lagu aqoonsaday caqabadaha jira, lana isla qaatay tallaabooyin mudnaan leh oo lagu horumarinayo tayada xogta, isticmaalkeeda, dib u eegisteeda iyo jawaab celinta HMIS.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay:
Warbixin ku saabsan hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP) ee qaybta caafimaadka ee Gobolka Banaadir.
Cusboonaysiin la xiriirta catchment ka iyo qiyaasta tirada dadka, si loo wanaajiyo qorsheynta, bartilmaameedsiga iyo fasiraadda tilmaamayaasha caafimaadka.
Gebagebadii, kulanka waxaa lagu soo afjaray soo koobidda casharradii laga bartay, qodobadii la isla qaatay, iyo xaqiijinta tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo HMIS iyo qorsheynta caafimaadka ee ku dhisan xogta.