24/04/2024
Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda Koonfur Galbeed Mudane Mustaf Ahmed Idow ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday wasaaradda arimaha dibada dowladda Finland kuwaas oo ay la socdeen saraakiil ka socotay hay’adda IOM.
Waxayna ka wada hadleen xaaladaha waxbarashada deegaan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada.
Dowladda Finland oo taageerto mashaaric waxbarasho ay qayb ka mid ah ay fuliso hay’adda IOM kuwaaso kor loogu qaadaayo tayada macalimiinta iyo waxbarashada.