Farxaan Faarax Aadan Duco

Farxaan Faarax Aadan Duco السلام عليكم ورحمةالله وبركاته
KU SOO DHAWOOW FARXAAN DUCO,
ujeedkeenu waa soo gudbinta wax anfac leh

Hadii aad is aragto adigoo taagan waqooyiga buuraha barafku fadhiyo ee Pakistan oo aad dhahdo waxaan ahay muslim waxaa k...
09/04/2023

Hadii aad is aragto adigoo taagan waqooyiga buuraha barafku fadhiyo ee Pakistan oo aad dhahdo waxaan ahay muslim waxaa kugu soo yaaci tobaneeyo qof si ay kuu marti qaadaan , sidii walaalkood ayay kuula dhaqmi

laakiin hadii aad ku lunto kaymaha baadiyaha Nayrobi oo aad dhahdo waxaan ahay Afrikaan sidiina oo kale cid dan kaa galayso malahan

waa farqiga u dhaxeeyo walaaltinimada islaamka iyo ciriiriga cunsuriyada midabka ku dhisan .

15/01/2023

Aqoonta iyo kalistalisnimadu waa labo arimood oo iska soo horjeeda,maamul kaste oo kalitaliya ah dadaalkiisa ugu badan wuxuu ku bixiyaa sidii uu jaahilnimo ugu go'doomin lahaa bulshadaas.

Aqoonyahanka feejigan ee xikmada saaxiibka u ahna mar kasta waxay isku dayaan in ay dumiyaan darbigaas bulshada iyo kalitaliyaha u dhexeeya, waxayna dadaal badan galiyaan cadaynta iyo muujinta afkaaraha bulshada .

Kalitaliyayaashu inta badan way musaafuriyaan dadkaas aqoonyahanka ah ama way xiraan , qofka fariidka ah uguna farxada badan waa kan awooda u yeesha in uu gurigiisa ka hagaajiyo .
Taasina waa sababta nabiyada waaweynaa-NNKH,culumada ugu casnsanaa iyo suugaanyahankii sharafta badnaa ay guryahoodii uga fogaadeen,dalal shisheeye ay ugu geeriyoodeen.

Waxa yirri:-Cabdiraxmaan alkawaakibi

JAWAAB LAGU QANCOBare dugsi ayaan ahay iyaduna sidoo kale waa bare dugsi.Ba Waxa na dhexmaray jacayl mug iyo miisaan leh...
23/10/2022

JAWAAB LAGU QANCO

Bare dugsi ayaan ahay iyaduna sidoo kale waa bare dugsi.
Ba Waxa na dhexmaray jacayl mug iyo miisaan leh,guurna waannu isku ballansanay.

Had iyo goor waxa aannu ka fekeri jirnay hoygayaga farxaddu ay ku lammaanaan
doonto, inta badan waxa aanu gorfeyn jirnay miisaaniyadda dhaqaale ee sannadka koowaad aannu ugu talagalnay.
Mushahar ahaan waxa ay u qaadataa 45 Gini, aniguna sidookale waxa aan qaataa 45 Gini, taas oo ka dhigan dhaqaalaha bishii noo soo xeragalaa in uu dhan yahay 90 Gini.
Waa xoolo reer lagu dhiqi karo ubadna lagu korin karo, waxa aannu gudagalnay
himilooyinkayaga toolmoon iyaga oo tiro ah in aannu warqad ku qorno.
Kharashaadka,cuntada,cabbitaanka... huga,gaadiidka,shaqaalaha,waardiyaha... shaleemada iyo fasaxyada.
Weli annaga oo qoraynna kharashaadka loo baahan yahay ayay sagaashankii Gini go'een, kolkaa waxa aannu garwaaqsanay
qaabnololeedka aannu doonaynaa in uu ka qaalisan yahay dhaqaalaha na soo gala, arrinkii in badan markii aannu rogrognay ayaan ku idhi: "dalka Sucuudiga ayaan u socdaalaya''a, hal gu' ayaan magaalada Jidda ka soo shaqaysanayaa, ka dib waxa aan soo laabanayaa aniga oo i noo sida hanti mug leh, kolkaas ayaynnu
isguursanaynaa oo nolosheenna aynnu ambaqaadaynaa.

Waxa ay ka meermertaba aakhirkii ila qaadatay iyada oo ka xun, laabta ayaannu isgalinnay, shumis dheerna waannu
isdhunkannay, ka dib Sucuudiga ayaan abbaaray. Muddo markii aan joogayba waan gubtay, cadceeddii kululayd ee magaalada Jidda kuma aanan gubanin ee waxa aan ku gubtay dabka kala
irdhawgayaga iyo ka-dheeraanshaha gacalisadayda, waxa aan
gudagalay in aan u diro dhanbaallo
dhaadheer oo aan ugu sheegayo in aan garwaaqsaday noloshu in aanay ahayn
miisaaniyad iyo tirooyin, badhaadhuhuna in aanu hantida ku jirin ee uu ku jiro laba qalbi oo isjecel oo midiba uu ka kale u
diirnaxayo, waxa aan ugu soo gebagebeeyay nolol farxadi ay ku
dheehan cahay in aannu ku noolaan karno sagaashankeenna Gini haddii aannu iimaansanno.
Dhankeeda iyaduna dhanbaallo warcelin ah ayay ii soo diri jirtay oo ay iigu sheegaysay aragtidaa iyaduba dhankeeda in ay ka garwaaqsatay fekerkeedii h**ena ay ka laabatay, dhanbaallada aannu isu diraynay waxa buux dhaafiyay oo
dhexceegaagay kalgacayl iyo
dhibirsamaan.

Kolkii aan soo laabtay waxa aan filayay in aan la kulmo gabadh cusub oo aannu isku aragti nahay, jacaylkana iila aragta qaabka
aan u arko in uu yahay dheef dheeri ah iyo hanti dahabka ka aalisan, balse waxa aan ka warhelay aragtidaa in ay ku qanacday
oo weliba si mug leh ay ugu qanacday, si dhab ah ayaana ay u dhaqangalisay iyada oo guursatay saaxiibkaygii baraha ahaa ee
mushahar ahaan u qaadan jiray 35 Gini oo keli ah.
Waa baa igu beryay, waxa aan yaqiinsaday shaqadii barenimo in aan ku guulaystay, balse aan ku guuldarraystay xilkii kalgacaylka iyo muxibbada.

Jawaabtii:DR MUSTAFE MAXAMUUD

Waxa jira dad Eebbe uu hibo u siiyay hannaanka dadka wax loo fahansiiyo ee looga dhaadhiciyo, balse aan far looga darin fahanka kalgacaylka iyo dareennada qalbiga.
Abuur ahaan waxa ay dadkaasi u samaysan yihiin barayaal in ay noqdaan, adiguna dadkaas ayaad ka mid tahay.
Waxa aad ku guulaysatay gabadha xidhiidhku uu kaa la dhexeeyay dareennadeeda oo idil in aad damisid, oo inta qalin iyo warqad aad u soo qaadatid aad si wadajir ah u faaqiddaan
dhaqalaha ku soo gala iyo dhaqaalaha iyada soo gala. Waxa aad u sheegtay in aad baahi u qabtaan xoolo intan ka badan, awoodda qancineed ee Eebbe uu kuu hibeeyayna waxa ay gaadhsiisnayd
heer iyada oo ku jecel ay ku sii deyso oo aad ku libidho cagararanka Sucuudiga, si aad ugaga soo xantoobiso xidhmooyin
dahab ah beeraha Sucuudiga.
mug Cadceeddii kululayd ee magaalada Jidda kolkii ay 12 bilood
madaxa kaa garaacaysay ayaad ku baraarugtay xaqiiqo hor leh, markanna sidii mararkii h**e oo kale waxa aad ku guulaysatay si leh in aad uga dhaadhicisid aragtidaada oo aad ku qancisid.
Awoodda qancineed ee ku sugnayd dhanbaalka aad la wadaagtay waxa ay keentay aragtidii aad u soo bandhigtay in ay sideeda u fuliso ka hor inta aanay dhanbaalkaba laabin! Kolkaas ayay guursatay saaxiibkaagii saboolka ahaa ee mushaharkiisu uu 35k Gini uun ku koobnaa.

Si farshaxannimo ay ku dheehan tahay ayaad u dhaqaajisay garaadkeeda, balse marna kuma aad guulaysan in aad
dhaqaajiso qalbigeeda.
Dhankeeda iyaduna marna jacayl dhammaystiran kuma ay jeclaanin, keliya way ku qadderin jirtay, sidii arday dheganugul
ayaana ay kuu dhegaysan jirtay.
Dareenka jacaylka ma dhaqaajiyo injineer sita qalin iyo mastarad oo tirooyinka warqad ku xardhaa, balse waxa dhaqaajiya suugaanyahan debecsan oo waalan oo ku xeeldheer qaabka
wadnaha loo xadanteeyo.
Dumarku Weligoodba suugaanyahanka iyo mucaashaqiinta waalwaalan ayay ka dabadhici jireen.

XIGASHO BUUGA 55 DHIBAABO JACAYL
EE DR MUSTAFE MAXAMUUD

XIKMADIHII FAYLOSUUFKII WAYNEE LEO TOLSTOY 1.Hadii aad rabto inaad faraxsanaato faraxsanow.2.Qof waliba waa uu ku fekera...
22/10/2022

XIKMADIHII FAYLOSUUFKII WAYNEE LEO TOLSTOY

1.Hadii aad rabto inaad faraxsanaato faraxsanow.

2.Qof waliba waa uu ku fekeraa in tuu aduunka waxka badalo laakiin majiro qof ku fekara inuu naftiisa xitaa waxyar ka badalo.

3.Noloshu waxa ay kuu dhadhantaa marka ay is bedelada yeelato.

4.Macnaha ugu mudan ee nolosho waa in aad u adeegti aadaminimada.

5.Waxa aynu ujabnaa in aynu maadaama aynu loollanka hortii isku siiqancino in aynu jabayno.

6.Akhlaaq teeda ugu mudani waa in aad wax cafido adigoo awooda in aad ka cadgoosato.

7.Waxa aan jeclaan lahaa in afkayga dib loogu soo celiyo erayadii aan ka dhawaajieyey markii aan murugaysnaa ee dabadeed aan ka qoomameeyey.

8.Ha u murugoon laga yabaa hadii aad sii haysanlahayd in ay murugadu kugu sii badan lahayde.

9.Dadku waxa ay qofka qiimigiisa dhabta ah siiyaan ku halbeegaan marka ay ubaahdaane.

10.Hadii uusan xanuun iyo dhibtoon jirin qofna magarteen shakhsiyadiisa.

11.Adigu beer illahay uun baa bixinayee.

12.Inyar oo dayicid iyo danayn la'aan ahi waxa ay beertaa in badan oo wax waa iyo ka quusasha ah.

13.Dabarada jaceylku wax badan kagama gadisna dabarada jaceylka.

14.Waxba laha sugin ee dhacso ugu sheeg in aad jeceshahay.

15.Hantida aadanuhu waa jaceylka ay u hayaan dadka kale.

16.Sirta awoodu waa in aadan cidna ka sugin in ay ku jeclaato.

17.Dadka kan ugu dhibka badan hadii aad ku tiraahdo waa aan ku jeclahay waa uu hoganayaa.

18.Teedka koowaad ee caabiya wax qabanka qofka waa qoyska.

19.Mar waliba oo aynu jaceylka caqli ku qiyaasno waa aynu burburinaa.

20.Maalinka aynu u noolaano bari daraadeed waa maalin inaka lumay.

Kumuu ahaa Ra'iisul Wasaarihii ugu horreeyay Soomaaliya Cabdullaahi Ciise Maxamuud?Qaaradaha Afrika iyo Aasiya waxaa bar...
21/10/2022

Kumuu ahaa Ra'iisul Wasaarihii ugu horreeyay Soomaaliya Cabdullaahi Ciise Maxamuud?

Qaaradaha Afrika iyo Aasiya waxaa bartamihii qarnigii labaatanaad ka soo baxay hoggaamiyeyaal, ururro xorriyad-doon ah, oo dalalkooda u horkacay inay gaaraan madax-bannaani dowladeed.

Cabdullaahi Ciise Maxamuud, oo ahaa Xoghayihii Guud ee Dhaqdhaqaaqii Dhallinyarada Soomaaliyeed, ee loo yiqiinnnay SYL, ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii xorriyad-doonka, ee laga bartay dunida, wixii ka dambeeyey Dagaalkii Labaad. Haddaba, kumuu ahaa Cabdullaahi Ciise?

Wuxuu sannadkii 1922-kii ku dhashay magaalada Afgooye, oo dhanka koonfur galbeed kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaa iska dhalay Ciise Maxamuud Bidaar oo ka soo jeeday Hobyo iyo Mareero Diini Axmed oo ka soo jeeday Caabudwaaq. Aabbihii ayaa dhintay isaga oo carruur ah, waxaana korriinshihiisa dusha saartay hooyadiis.

Cabdullaahi Ciise wuxuu ahaa hoggaamiye dabiici ah, oo farac u leh hoggaaminta. Wuxuu ka yimid qoys hormuud dhaqan ka dhex ahaa reerkii uu ka dhashay. Awowgiis Maxamuud Bidaar ayaa ahaa kaaba-qabiilka jilibka uu ku abtirsado.

Dalmareenkii Talyaaniga, Luigi Robecchi Bricchetti, oo sannadkii 1888-kii booqday Hobyo, ayaa buuggiisa xusuus-qorka, Somalia e Benadir, ku xusay inuu meel u dhow magaaladaas dhanka bariga kula kulmay nabaddoon Maxamuud Bidaar.

Cabdullaahi Ciise wuxuu ahaa nin waxbarashada ku dadaala; inta badanna isaga ayaa wax is bari jiray, yaraantiisii iyo illaa markii uu soo weynaaday. Dugsiga Qur'aanka wuxuu ka dhigtay magaalada Afgooye, kaddibna wuxuu waxbarashada billowga ah ka billaabay mid ka mid ah dugsiyadii hoose ee Talyaanigu ku lahaa magaalada Muqdisho, sida uu ku qoray qoraaga Smith Hepstone buuggiisa The New Africa.

Isaga oo lix iyo toban jir ah ayuu Cabdullaahi Ciise u wareegay magaalada Merka, halkaas oo uu xafiiska boostada ka shaqeeyey, intii u dhexeysay sannadihii 1939-1941.

Sannadkii 1941-kii, markii ay Ingiriisku qabsadeen koonfurta Soomaaliya (Italian Somaliland) iyo gobolka Soomaalida ee Itoobiya, iyagoo h**ey u sii haystay waqooyiga Soomaaliya (British Somaliland) iyo gobolka Soomaalida NFD ee Kenya, waxaa Cabdullaahi Ciise laga joojiyey shaqadii, taas oo ku kalliftay inuu billaabo howlo ganacsi, isagoo isaga dhex-gooshi jiray deegaannada koonfurta Soomaaliya.

Dhowr sano kaddib, isaga oo ganacsade ah, ayuu sannadkii 1944-kii wuxuu magaalada Beledweyne kaga biiray ururkii SYC, halkaas oo ay isku barteen dad magac weyn ku dhex-yeelan doona ururka SYL, sida Aaden Cabdulle Cusmaan iyo Sheekh Cali Jimcaale.

Muddo yar gudahood ayuu Cabdullaahi Ciise ku dallacay, oo uu kor ugu kacay, isagoo loo doortay xubin golaha dhexe, ee ururka. Halkaas ayuu kaga mid noqday hoggaamiyeyaasha waaweynaa ee SYL, illaa markii dambe loo doortay Xoghayaheedii Guud.

Sannadkii 1947-kii, markii uu la wareegay xilka Xoghayaha Guud, wuxuu isla markiiba qeyb ka noqday is-beddelkii ka dhex-socday habsami-u-socodka iyo dib-u-qaabeynta dhaqdhaqaaqa, oo iska beddelay SYC (Somali Youth Club), iskuna beddelay SYL (Somali Youth League). Is-beddelkaas ayuu ahaa kan keenay in ahdaafka dhaqdhaqaaqu uu gaaro gobol kasta iyo goob kasta oo Soomaalidu ku nooshahay.

Wuxuu kaloo Cabdullaahi Ciise ku soo beegmay iyadoo quwadihii afarta ahaa (Faransiiska, Ingiriiska, Mareykanka iyo Ruushka) ay kaga shirayaan magaalada Paris sidii laga yeeli lahaa masiirka iyo mustaqbalka dalalkii uu gumeysan jiray Talyaaniga, kuwaas oo kala ahaa: Eritrea, Libya iyo Soomaaliya.

Wuxuu ku jiray shan xubnood oo ay SYL u soo xusheen inay go'aanka ururka hor-dhigaan wafdigii afarta quwadood ee xaqiiqo-raadinta, ee yimid magaalada Muqdisho horraantii bishii January 1948-kii.

Kaddib markii afarta quwadood ay go'aan-ka-gaarista Eritrea, Libya iyo Soomaaliya u wareejiyeen Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Cabdullaahi Ciise wuxuu u duulay Paris sannadkii 1949-kii, iyadoo ururka SYL ay si weyn uga sii amba-bixiyeen Muqdisho Wuxuu u sii gudbay London, oo ay ku sii marti-geliyeen jaaliyaddii reer Somaliland, ee ku nooleyd magaalooyinka Cardiff, Liverpool iyo London.

30 sano ka dib rididdii dowladdii kacaanka maxay Soomaaliya ka dhaxashay?
Itoobiya oo laga xusay guushi Karamardha ee 1977-kii

Cabdullaahi Ciise wuxuu London ka sii aaday Lake Success ee New York, halkaas oo uu geeyey go'aankii taariikhiga ahaa, ee shaqeyn kari waayey, ee ay SYL ku dalbatay in Soomaaliya ay dusha ka maamulaan afarta quwadood muddo labo sano ah, oo ay gadaal kaga sii dareen toban sannadood.

New York ayay ahayd ahayd meesha uu ku sii ta'kiidiyey u-doodista fekraddii Soomaali Weyn (shanta qaybood ee Soomaalidu uu u qaybiyey gumeysiga oo la hoos-keeno hal dowlad), sida ku cad qoraallada yaalla Matxafka Ingiriiska (UK National Archives), ee ay ergadii Ingiriiska ee New York u soo direen Xafiiska Arrimaha Dibadda (Foreign Office).

Dadka Soomaalida ayaa xilligaas ku luuqeyn jiray 'ninkaas cabanaaya, caddaanka dhexdiisa, Cabdullaahi Ciise, Allow caawi'. Muddadii uu joogay New York, wuxuu Cabdullaahi Ciise la kulmay rafaad, nolol-xumo iyo dhaqaale la'aan, waxaana ku adkaatay inuu iska bixiyo hoteelkii uu deggenaa, oo la oran jiray Prince George Hotel, address-kiisu ahaa 14 East, 28th Street, New York City.

Gurmad ay markii dambe u fidiyeen jaaliyaddii reer Somaliland ee Mareykanka iyo ergadii Ingiriiska ee New York ayay ugu suura-gashay inuu sii joogo halkaas, oo howlihiisa sii wato, kagana sii qayb-galo doodihii ka dhex-socday wadammada Qaramada Midoobay, ee ku qotomay sida laga yeelayo su'aasha xorriyadda Soomaaliya, sida ka muuqata qoraallada yaalla UK National Archives.

Ka sokow ka-qaybgalkiisa fadhiyada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (oo uu in ka badan laba jeer u jeediyey khudbado), wuxuu Cabdullaahi Ciise kireystay hal saac oo uu galab walba radio yar oo ku yaalla magaalada New York kala soo hadlo dadka Soomaalida ee ku nool gobolka Geeska Afrika iyo adduunka intiisa kale.

Raadiyahaas wuxuu ka sii deyn jiray warar iyo faallooyin ku saabsan hadba meesha ay mareyso doodda ku saabsan in Talyaanigu uu kor ka xukumo Soomaaliya, oo uu maamul-dowladeed gaarsiiyo iyo in howshaas lagu wareejiyo waddan ama wadammo kale.

Afkaartiisa mintidnimada leh ayaa keentay in hay'adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ay kaga shakiso inuu xambaarsan yahay feker shuuci ah, sida ay ku qortay taariikh-yahannada Carol Anderson buuggeeda, Bourgeois Radicals: The NAACP and the Struggle for Colonial Liberation, 1941-1960.

Halganka xorriyad-doonka ah ee Cabdullaahi Ciise kuma koobneyn siyaasad oo keliya, ee waxaa ku dhex jiray mid aqoon-ku-dirir ah. Wuxuu xiriir dhow la sameystay caalimkii, qoraagii iyo taariikh-yahankii madowga Mareykanka, ee lagu magaaabi jiray William Edward Burghardt Du Bois, kaas oo u fidiyey taageero cilmiyeed ee dhanka gumeysi-diidka ah.

Cabdullaahi Ciise, wuxuu kaloo si joogto ah New York uga soo saari jiray qoraallo (ay isla qori jireen nin reer Somaliland ah, oo la oran jiray Ismaaciil Xasan), kuwaas oo ay kaga warramayaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed, qaasatan sida aan raalliga looga ahayn in Talyaanigu uu mar kale maamulo Soomaaliya iyo sida xukunka gumeysiga Ingiriiska uu u cadaadinayo SYL, oo ay isku xumaadeen wixii ka dambeeyey 1948-kii.

Qoraalladii uu sameeyey Cabdullaahi Ciise intii uu joogay New York ayaa waxaa ka mid ah laba buug oo yar yar, oo uu ugu doodayo dadyowga ku hoos jira gumeysiga, gaar ahaan Soomaalida, kuwaas oo cinwaankoodu uu yahay "United Nations to Sponsor Survival of Colonialism or United Nations to End Colonialism?" iyo "United Nations for Europe or United Nations for the World?".

Waxay qoraalladani isugu jiraan dhaliil iyo dhalleeceyn ku qotonta sida Qaramada Midoobay ay u wajaheysay mushkiladda ku saabsan cidda xaqa u leh inay maamusho wadammadii gumeysiga ku hoos jiray.

Qoraalladaan, oo ay ku dhex jiraan farshaxannimo iyo fekrado cusub, ayaa Cabdullaahi Ciise waxay la meel dhigi doonaan mufakariintii xorriyad-doonka Afrika, sida Léopold Sédar Senghor, Félix Houphouét-Boigny, Kwame Nkrumah iyo hoggaamiyeyaashii kale ee Afrika, ee qoray qoraallada gumeysi-la-dirirka ah. Qeyb ka mid ah qoraallada uu qoray Cabdullaahi Ciise, intii uu ku sugnaa New York, ayaa waxay haddeer yaallaan goobta gaarka ah, ee wax lagu uruuriyo, ee Jaamacadda Massachusetts, qeybteeda Amherst, ee Mareykanka.

Kumuu ahaa Cumar Carte Qaalib?
Siduu Cali Mahdi ku noqday Madaxweynihii Soomaaliya?
Sidee deyn 5 bilyan oo doolar ah loogu yeeshay Soomaaliya?
Cabdullaahi Ciise
XIGASHADA SAWIRKA,KAYDKA
Bishii November 1949-kii, markii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu go'aamiyey in Talyaanigu uu Soomaaliya maamulo muddo toban sannadood ah.

Muddadaas cayimanna uu ku gaarsiiyo xorriyad taam ah iyo maamul dowladnimo ay dhisan yihiin haykalladii dowliga ahaa, ayaa Cabdullaahi Ciise, oo ka murugeysan go'aankaas, wuxuu sannad kaddib dib ugu noqday magaalada Muqdisho, oo uu ka soo maqnaa muddo dhowr sano ah.

Wuxuu u ekaa nin aan ku guuleysan ujeedkiisii ahaa inuusan Talyaanigu dib ugu soo noqon dalka.

Markii uu ku soo noqday Muqdisho ayaa khilaaf siyaasadeed, oo ka dhex-dhacay hoggaanka SYL, wuxuu kallifay in Cabdullaahi Ciise uu xanaaq kaga maqnaado kulamada ururka, illaa markii dambe lagu guuleystay in dib loo soo caro-celiyo.

Khilaafku, wuxuu ka dhashay madaxda SYL oo isku mari waayey sida loola tacaamulayo maamulka cusub ee Talyaaniga, ee la magac-baxay AFIS (Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia).

Qaar ka mid ah madaxda SYL ayaa ku doodayey in AFIS aysan ka duwanayn xukunkii h**e ee fashiistada Talyaaniga, ee uu Ingiriisku meesha ka saaray, halka qaar kale-na qabeen in maamulka AFIS loo arko, oo loola macaamilo si ka duwan sidaas.

Labada dhinac ee SYL waxay aakhirkii isla gaareen xaal-mastuur, waxayna ku heshiiyeen in wada-shaqeyn dhow lala yeesho maamulka AFIS, si aan loo luminin waqtiga loo xadeeyey in dowladnimo lagu gaarsiiyo Soomaaliya.

Heshiiska SYL dhexdeeda waxaa ka shaqeeyey dowladda Masar. Iyada oo laga amba-qaadayo heshiiska SYL iyo AFIS ayaa sannadkii 1954-kii waxaa la qabanqaabiyey doorashooyinkii u horreeyey ee dowladaha hoose, taas oo uu ururka SYL ku guuleystay.

Laba sannadood kaddib, sannadkii 1956-kii, ayaa haddana waxaa la qabtay doorashooyinkii xisbiyada siyaasadeed, waxaana ku guuleystay isla SYL.

Governatoorihii Talyaaniga, Enrico Anzillotti, ayaa soo jeediyey in xisbiga guuleystay uu soo xulo Ra'iisal Wasaare soo dhisa xukuumad daakhili ah, waxaana ururka SYL ay si aqlabiyad leh u soo doorteen Cabdullaahi Ciise oo 29-kii February 1956-kii noqday Ra'iisal Wasaarihii u horreeyey, ee ay yeelato Soomaaliya, wuxuuna muddo gaaban gudahood ku soo magacaabay xukuumad ka koobnayd shan wasiir.

Mar kale ayaa Cabdullaahi Ciise loo soo doortay Ra'iisal Wasaare, kaddib doorashooyinkii xisbiyada ee dhacay 1959-kii, ee uu ku guuleystay isla ururka SYL.

Bishii July, sannadkii 1960-kii, markii ay Soomaaliya qaadatay xorriyadda, ayaa Madaxweynihii cusbaa Aaden Cabdulle Cusmaan, wuxuu iska dhega-tiray go'aankii iyo tala-soo-jeedintii golaha dhexe ee SYL, oo Cabdullaahi Ciise si buuxda ugu soo sharraxday jagada Ra'iisal Wasaaraha.

Aaden Cabdulle ayaa ku dooday inuu is-beddel ku dhisan xeer-jajab qabiil ku soo magacaabayo Ra'iisal Wasaaraha, taas oo baalmarsaneyd ahdaaftii ay ku dhisneyd SYL, ee lagu diiddanaa qabiilka iyo qabyaaladda, oo la dhex-geliyo nolosha bulshada iyo siyaasadda.

Abwaankii la diriray dowladihii Soomaaliya soo maray wixii ka horreeyay 1990
Muxuu yahay xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya Afwerki iyo Soomaaliya?
Faallo, Al-Jazeera: Xilligii ay Soomaaliya gargaarka u diri jirtay Sacuudiga
Waxay Soomaali iyo ajnabi badan ku ahayd arrin amakaag ah in Cabdullaahi Ciise uusan noqonin Madaxweynihii Jamhuuriyadda cusub, ama Ra'iisal Wasaaraheedii, sida ka dhacday wadammadii kale ee Afrika, ee Ra'iisal Wasaarayaasha xukunnada daakhiliga ay halkooda sii joogeen, ama u sii dallaceen Madaxweyne, sida Jomo Kenyatta, Houphouét-Boigny, Nkrumah iyo kuwo kale, sababtuna waxay ahayd iyada oo distoorkii cusbaa ee Soomaaliya, ee aan markaas la ansixin, lagu sii qoray laba arrimood:

In Guddoomiyaha Baarlamaanka daakhiliga uu noqonayo Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, iyo
In Madaxweynuhu uu noqdo da' ahaan 40 sano jir. (Markii h**e, waxay guddigii farsamada distoorku qoreen inuu Madaxweynuhu uusan ka yaraan 38 sano, laakiin markii la hor-geeyey fadhiga Golaha Baarlamaanka daaqiliga ayaa la dhex-geliyey talooyin diimeed, oo laga dhigay 40 sano jir).
Labadaas arrimood waxay caqabad ku ahaayeen in Cabdullaahi Ciise uu ku soo boodo xilka Madaxweynaha.

Waxaa intaa sii dheer, Cabdullaahi Ciise qudhiisa ayaan isku dayin inuu wax ka beddelo in distoorka loo ansixiyo siduu isagu doonayo, sida ka dhacday wadammo badan oo Afrikaan ah, oo si qasab ah wax looga beddelay distoorkooda, kuwaas oo markii dambe ay hoggaamiyeyaashii xorriyad-doonkooda ahaa isku beddeleen diktaatoorro.

Cabdullaahi Ciise, oo aaminsanaa fekradda in xukun dimoqraadi ah uu beddelo kan gumeysiga, ayaa isagu iska diiday inuu fara-geliyo howlaha qorista distoorka, oo la billaabay sannadkii 1959-kii, isaga oo Ra'iisal Wasaare ah.

Xoriyaddii Soomaaliya (is-raacii Soomaaliya iyo Somaliland) kaddib wuxuu Cabdullaahi Ciise noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda (1960-1964) iyo Wasiirkii Caafimaadka (1964-1967).

July 1967 illaa April 1969 ma qaban wax xil ah ee dhanka xukuumadda, oo aan ka ahayn xildhibaan. Hase yeeshee xukuumaddii u dambeysay ee rayidka ee May 1969 illaa October 1969 ayuu ka noqday Wasiirkii Ganacsiga, illaa uu dalka ka dhacay inqilaabkii militariga.

Wuxuu billowgii h**e ku jiray siyaasiyiintii loo xiray siyaasadda, waxaana xabsiga laga sii daayey 1973-kii. Sannad kaddib, 1974-kii ayaa hoggaamiyihii militariga Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre wuxuu Cabdullaahi Ciise u magacaabay Safiirkii Soomaaliya ee Sweden, xilkaas oo uu hayey illaa iyo markii uu iska casilay horraantii 1983-kii.

Cabdullaahi Ciise ayaa wixii xilligaas ka dambeeyey si' iskii ah isu geliyey howlgab, mana uusan ka qayb-gelin howlihii ka socday Yurub iyo Mareykanka xilligaas, ee looga soo horjeeday taliskii militariga, sida ay yeeleen rag isaga la waqti ahaa, sida Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Cabdullaahi Ciise wuxuu u guuray, oo markii dambe uu iska degay magaalada Roma, halkaas oo ahayd meeshii uu ka weecan jiray inuu tago xilligii uu la dirirayey gumeysigii Talyaaniga.

Sidaas oo kale ayaa hoggaamiyeyaashii xorriyad-doonka Afrika, waxay ku geeriyoodeen caasimadaha dalalkii gumeysiga ee ay la soo dirireen, sida Julius Mwalimu Nyerere oo ku dhintay London.

Intii uu siyaasadda ku dhex jiray iyo markii uu howlgabka noqdayba, wuxuu Cabdullaahi Ciise ahaa nin aad loo jecel yahay, oo ku sifoobay asluub, anshax iyo afgaabni. Wuxuu caado u lahaa inuu qabto xil kasta oo looga dhiibo dalkiisa.

Qof kasta oo ugu gala xafiiskiisa, xilligii uu madaxda ahaa, wuxuu ku salaami jiray istaag, ixtiraam awgii. Cilladdiisu waxay ahayd inuu jeclaa inuu qof walba qanciyo. Wuxuu ahaa nin markuu hadlayo hadalka soo cel-celiya, oo shig-shiga, laakiin qalbi-wanaagsan leh.

Cabdullaahi Ciise, isaga oo da'diisu ay tahay 65 sano jir, ayuu ku dhintay magaalada Roma, 11-kii March, sannadkii 1988-kii.

Meydkiisii, oo calanka Soomaaliya la soo huwiyey, ayaa laga soo dejiyey magaalada Muqdisho, iyadoo sagootinta meydkiisa ay isugu soo bexeen shacab fara-badan.

Waxaa lagu aasay khabuuraha qaranka, iyadoo tacsidiisa, si wadajir ah, ay uga qayb-galeen Aaden Cabdulle Cusmaan iyo Maxamed Siyaad Barre.

Xigasho

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Ingiriis

(واستعينوا بالصبر والصلاة وإنها لكبيرة إلا على الخشيين) البقرة: 45"Kaashada samir iyo salaad; salaadduna waa ay ku culus...
20/10/2022

(واستعينوا بالصبر والصلاة وإنها لكبيرة إلا على الخشيين) البقرة: 45
"Kaashada samir iyo salaad; salaadduna waa ay ku culustahay addoomaha kuwa khushuuca mooyaane."

Tani waa adduunyo oo waa hoyga falashada ee maaha hoyga hanashada.
Waa hoyga imtixaanka ee maaha ka
abaalmarinta. Imtixaannada uu Alle mariyo addoomihiisa
waxa ka mid ah; in uu ku sallido musiibooyin; kuwii aynu jeclayn oo aynu waynaa waa musiibo, hanti la'aantu waa
musiibo, deriska xun, lammaanaha liita iyo maamulaha dulmi falaha ahina waa musiibooyin. Qofka adkaystaa waa
uu ku guulaystaa tijaabada, ka cadhoodaana waa uu ku dhacaa
imtixaanka.
Lama soo helayo qof ka badbaadaya
hadimooyinka adduunka, Nebiyada ayaana ugu imtixaan badnaa.

Taariikhyahannad ayaa soo wariyay: Dulqarnayn ayaa aad u bukooday mar uu tegay magaalada Baabila.
Nin weyni wadkii waa uu yaqaannaaye waxa uu garwaaqsaday in
ay is-hurran yihiin geeri.
Hooyadii ayaa uu xusuustay,
waxaanu jeclaystay in uu u dhiso niyadda. Wan weyn ayaa uu u diray, waxaanu u dardaarmay: "hooyo marka aan dhinto,
gawrac wankan, hilbihiisa kari, kadibna ugu yeedh qof aan waligii balaayo ku habsan, ama aan waayin qof uu jeclaa." Ammintii uu Alle oofsaday, hooyadii dardaarankii ayay u fulisay, balse
waxa fajiciso ku noqotay in aanu qofna u iman waayo;

lama soo helayo guri ka badbaaday balaayo. Hooyadii waa ay fahantay dhambaalkii wiilkeeda, yada oo u ducaynaysana waxa ay tidhi: "Alle hakuu naxariisto e, waa aad ii samafashay if iyo aakhiraba."

Ku soodhawaada pagekaInta ku soobiirtayna waadmahadsantihiin dhamaantin
20/10/2022

Ku soodhawaada pageka
Inta ku soobiirtayna waad
mahadsantihiin dhamaantin

Address

Mogadishu

Opening Hours

09:00 - 17:30

Telephone

+252618334535

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Farxaan Faarax Aadan Duco posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share