25/03/2026
Warbaahinta Ethiopia ayaa si weyn u baahisay hadal ka soo baxay Maamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida, kaas oo lagu beeninayo warar baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsanaa suurtagalnimada gooni isu-taag.
Wasiirka Warfaafinta ee Deegaanka Soomaalida, oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah, ayaa caddeeyay in warkaasi yahay mid aan sal iyo raad lahayn, isla markaana aanu jirin qorshe ay maamulkaasi uga go’ayaan Itoobiya.
Warbaahinta Itoobiya waxay xustay in wasiirku carrabka ku adkeeyay in shacabka Deegaanka Soomaalida ay yihiin muwaadiniin Itoobiyaan ah, ayna si buuxda u taageersan yihiin midnimada iyo wadajirka dalka.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in maamulka Deegaanka Soomaalida uu ka go’an yahay ilaalinta midnimada Ethiopia, isla markaana aysan jirin wax aragti ah oo ku saabsan gooni goosad, xilli kasta oo lagu jiro.