01/06/2026
Maxk**adaha Somalia ka jiraa waa hooyga dulmiga iyo ku tumashada qaanuunka, waa Tool ay isticmaalaan madaxda xukunka joogta si ay dhalinyarada ugu caburiyaan.
Waxaa Nasiib darro ah Sacdiyo macalin oo muddo 2billood ah madaxweynaha u afduubneed in maantay hadana xabsiga dib loogu celiyey, ayada oo dacwadeeda la dhegeysan, taas waxay lamicno tahay in qofka xukunka joogaa uu siduu doono awooda ugu takrifali karo qofkuu rabana iska soo xiran karo ayada oo sharciga loo fiirin.
Waxaan ku baaqeynaa in dhalinyarada wadaniyiinta ah oo xaqooda u halgaamaya, caburinta iyo caga jugleynta lagadaayo, kuwa hada afduubka loo haystana xoriyadooda si deg deg loo siiyo.
Feysal Geelle