Ibrahim Cade Page

Ibrahim Cade Page self

09/09/2021

Asc asxbteyda caawa waa jimco plz igu duceya aabahey in uu janada ka warabiyo
Amen

09/06/2019

Kusoo yaca
Ibra media production

03/05/2019

Ku sali xabiibkeena suuban scw

Dulkeena barwaqada Nimco rabi nasiyay Plz like &shere
19/04/2019

Dulkeena barwaqada
Nimco rabi nasiyay
Plz like &shere

09/04/2019

Nolasha qofka ugu xun
Waa sxbka ugu xun

✔️Macnaha Rasmiga ah ee CALAFKA Akhiro Qormo Muhiim ah.Calafka iyo Jaceylka ayaa Ah Wax Sida Silsiladda isugu Xiran oo a...
29/03/2019

✔️Macnaha Rasmiga ah ee CALAFKA Akhiro
Qormo Muhiim ah.

Calafka iyo Jaceylka ayaa Ah Wax Sida Silsiladda isugu Xiran oo aan Sinaba aan u kala Harin, Balse Jaran Jarada koowaad ee Lasoo Kora ayaa ah Jaceyl Jaceylkana waxa uu Kuusii Dhiibaya Calaf, Taasoo aan Dhihi Karno ( JACEYL+CALAF=GUUR).

✔️Waxaan Jira Oraahyo Soomliya oo Dhahaya Waxaan Calaf Lagu Laheyn Caloosha Lama Dhigo, ama Waxaadan calaf Ku Laheyn Calaacashaada Ma Saartid, Maah Maahmaahyadan ayaa waxa ay ka tarjumayaan in Qofka Wax aan ilaahi Na uumay uusan u Qorin Inuusan Haleyn.

✔️Hayeeshee Dadbaa Waxii ay Gaari Waayaan u Raadiya qaab waali ah oo aan sikastoo ay ahaataba aan lagaari karin Ilaa Qadarta eebe ayaanba Suuragalinine, (Ama Waxaan Dhihi Karnaa Waqtigooda ayaa Dhimanba).
Tusaale aan Soo Qaadana Hadii Guri aad Marti Ka Tahay Koobkii Shaaha ee Laguu Soo Shubay uu Kaa Daato, Shaahas Daatay Ma Calafkiisii ayaa soo Dhamaaday Mise Murana Kale oon Loo Baahneyna ayaad Meesha Keeni Laheyd, Jawaabtu Waa Cadahay Shaahaas Calafkiisa ayaa intaa ku ekee oo Ma Qoreyn In Lacabaa.

✔️Hadaba Qofka Jaceyl Doonka ah Ha Ogaada in Calaf uu Jira, Loogana Baahan Yahay Dadaal Dheeri ah, Sababatoo ah Soomalida waxa ay Tiraahdaa waxaan loo dhididin lama Dheefsado.

✔️Haka War wareegin Haduu Daadka Ku qaado Inaad samirka Kaashataa, Waxaadna Maskaxdaada Ka Dhaadhicisaa mar ay Ahaataba Inaad Xariga Guusha aad Gacanta Ku dhigi Doontid Adiga oo Aakhir TagayaWadadan ah (Jaceyl+Calaf= Guur),.

Dhacdo Aan La ilmeeyay. Jimcadii h**e ayuu guursaday,jimcaha maanta waa geeri. 7 maalin ayey isqabeenMaxamed Osman iyo F...
01/03/2019

Dhacdo Aan La ilmeeyay. Jimcadii h**e ayuu guursaday,jimcaha maanta waa geeri. 7 maalin ayey isqabeen

Maxamed Osman iyo Fardowso Waxey wada socdeen 2 sano ka badan oo dhib iyo dheef isla qeybsadeen intuu socday xiriirkooda. Jimcihii h**e ayey isguursadeen

Jimcaha maantana Fardowsa ma heysato wiilkii ay jecleed. Maxamed wuxuu ku jiray isbuucii todobada

Aduunkaan waxaan la arkeeynin malahan. Indho xumo tan ka weyn miyaa jirta? Qofkii dareen leh ayaa dareemi kara bes

Waan ogahay in dhacdadaan aad ka nixi doonto, waxaase xanuun daran dareemaya gabadha iyo wiilka hooyadiis.

Allow u naxariiso caruus Maxamed cusman, inta dhacdadaan kanaxday u duceeya walaalken

Pls Share garee wll

Qorista ibrahim cade

01/03/2019

Alla casho sidan maxa logu galayaa allow xaqeda uso celi

23/02/2019

DADAAL BES AH MIYAA LAGU KALA HORMARAA?

✔ Labo wiil oo saaxibo ah oo la kala yiraahdo Yaxye iyo Asad, ayaa marka ay jaamacadda ka qalin jabiyeen geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen in ay shaqo fiican helaan si ay noloshooda u horumariyaan.

✔ Ugu dambeyn, waxaa labadoodiba laga shaqo siiyay shirkad weyn. Labadoodiba dadaal badan bay muujiyeen, oo si daacad ah ayay shaqadooda u qabsadeen.

✔ Seddax sano kaddib, agaasimaha wuxuu dallacsiiyay Yaxye. Hase yeeshe, Asad booskiisa ma uu dhaafin oo lama dallacsiin. Asad go’aankan wuu qaadan waayay oo kuma farxin.

✔ Sida darteedna waxaa uu u tagay agaasimaha waxaana uu u sheegay in uu asaga aad u dadaalo uuna si daacad ah u shaqeeyo.

✔ Waxaa uu weydiiyay agaasimaha sababt Yaxye loo dallacsiiyay asna uu booskiisa weli taagan yahay.

✔ Agaasimaha waa uu la socdaa in Asad uu aad u dadaal badan yahay, balse si uu u fahansiiyo una muujiyo waxa ay ku kala duwan yihiin asaga iyo Yaxye, waxaa uu ku yiri, “Orod oo suuqa tag, waxaad soo ogaata cidda suuqa ku iibisa qaraha.”

✔ Asad waa uu orday, suuqa ayuu indha-indheeyay kaddib agaasimaha ayuu ku soo laabtay. Agaasimaha ayaa su’aalay, “Halka kiilo waa imisaa?”
Asad suuqa ayuu mar kale ku laabtay si uu usoo ogaado qiimaha halka kiilo ee qaraha. Marki uu dib u soo laabtay wuxuu yiri, “Kiilaha waa 12 doolar.”

✔ Agaasimaha waxaa uu kaddib u wacay Yaxye, isla wixi uu u diray Asad ayuu Yaxyena u diray inuu soo ogaado. Yaxye suuqa ayuu tagay, marka uu soo laabtay waxaa uu yiri; “Xilligan la joogo hal qof kaliya ayaa qare suuqa ku iibiya.

✔ Halka kiilo waxaa uu siiyaa 12 doolar, 10 kiilana waxaa uu siinaya 100 doolar. Iminkan waxaa u yaala 340 xabo oo qare ah. Miiska waxaa u saaran 48 xabo, midkiba waa 15 kiilo. Qarahan labo maalmood ka hor ayaa laga keenay beeraha, waa fresh (cusubyihiin) waana ay fiican yihiin.”

✔ Asad aad ayuu ula dhacay sida uu saaxiibkiis Yaxye wax u kala saaray, waxaana uu ogaaday farqiga u dhaxeeya labadooda. Waxaa uu fahmay in loo baahan yahay in uu wax badan ka barto saaxiibkiis.

✔ Sidaad sheekadan ku aragteenba, dadka guuleystay waa dad fiiro-dher leh. Meel dheer ayay wax ka eegaan, halka inta badan dadka ay meel gaaban wax ka eegaan.

✔ Adiga maxaad ka fahantay misna ka baratay sheekadan?

Ibrahim cade

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ibrahim Cade Page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category