18/07/2022
Halyeeyga Barcelona Hristo Stoichkov ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay heshiiska uu ku yimid Robert Lewandowski kooxda.
Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay heshiis rasmi ah la gaartay Bayern Munich eek u aadan saxiixa weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski, kaddib wadahadalo u socday bilihii la soo dhaafay, waana waa heshiiskii ugu muhiimsanaa ee ay kooxda soo gebagebaysay suuqa xagaagan, marka loo eego tayada wanaagsan ee laacibka.
Haddaba Hristo Stoichkov ayaa si jees-jees ah uga jawaabay dhaleeceynta qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid ee ku aadan heshiiska Lewandowski, kuwaasoo sheegay in Barcelona ay la soo saxiixatay ciyaaryahan da’a ah oo qandaraaskiisa uu hal sano uga harsan yahay.
Stoichkov ayaa xasuusiyay jamaahiirta Real Madrid iyo saxaafada afarleydii Lewandowski uu ka dhaliyay kooxdooda markii uu ahaa ciyaaryahankii Borussia Dortmund, gaar ahaan 2013-kii lugtii h**e ee semi-finalka Champions League.
Sida laga soo xigtay wargeyska Mundo Deportivo ee dalka Spain, halyeeyga Barcelona Hristo Stoichkov, ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:
“Markii uu joogay Borussia Dortmund, wuxuu dhaliyay 4 gool, aan aragno inay sii qosli doonaan.”