Caarif jama

Caarif jama Film-maker
Photographer

Badhan | Sanaag | Somalia

09/01/2026

Dhibaatada Milxo ma aha oo keliya dhibaatada hal magaalo waxay ka tarjumaysaa xaaladda guud ee gobolka Sanaag, oo muddo dheer wajahaya caqabado la xiriira maamul, amni, khilaaf iyo kala qaybsanaan bulsho.

Milxo maanta waxay tusaale muuqda u tahay dhibaatooyinka ka dhasha maamul la’aanta, nidaam-darrada iyo amni-darrada. Waa deegaan leh khayraad badan iyo fursado dhaqaale oo waaweyn, balse aan haysan nidaam maamul oo si hufan u ilaaliya una horumariya khayraadkaas.

Dhaqaale badan ayaa ka soo baxa Milxo, kaas oo haddii si nidaamsan, daahfuran oo mas’uuliyad leh loo maamulo, wax weyn ka tari kara horumarka deegaanka, adeegyada bulshada iyo nolosha dadka ku nool Sanaag.

Sidaas darteed, dadka reer Sanaag waxay u baahan yihiin inay ka gudbaan kala qaybsanaanta, siyaasadda qof-qofka ah iyo dano gaar ah, una gudbaan danta guud, wadajirka bulshada iyo dhisidda nidaam maamul oo dadka, amniga iyo khayraadkooda ilaaliya.

| DAL DAD LEH, HADDANA DAD-LA’ |

Hambalyo saaxiibadayda iyo bahda sawirqaadayaasha meel kasta oo ay joogaan. 📷❤️Sawir kastaa waa xusuus, dareen iyo sheek...
08/19/2026

Hambalyo saaxiibadayda iyo bahda sawirqaadayaasha meel kasta oo ay joogaan. 📷❤️

Sawir kastaa waa xusuus, dareen iyo sheeko aan waqtigu tirtiri karin.

Happy World Photography Day 📸❤️

08/18/2026

Dhulkii Barakaysnaa🌲⭐️

08/16/2026

Dugsiga Tababarada Ciidamada Puntland ee General
Giriin Badhan.

08/12/2026

Hambalyo Walal Omar Abdulkadir Artan🇸🇴

08/10/2026

Waddada Ceeldaahir–Ceerigaabo iyo Doorka Bulshada Badhan

Ceeldaahir–Ceerigaabo waxay soo gaadhay magaalada Badhan, taasoo si qurux badan loo dhigay. Waxaan bogaadinayaa qolyaha mashruuca gacanta ku haya oo ilaa hadda si hufan oo dhaliil la’aan ah shaqada u wada.

Dhanka kale, Dowladda Hoose ee Degmada Badhan waxaan leeyahay shaqadiinii waad gabteen, kaalintiiniina k**a aydaan soo bixin. Cidda mas’uuliyadda, horumarka iyo bilicda magaalada lagala xisaabtamayo waa idinka.

Bulshada ku dhaqan magaalada Badhan waxaa laga rabaa isla xisaabtan iyo inay shaqada socota qayb ka noqdaan. Maanta idinkey wax walba gacantiinna ku jiraan, “ha noqonina gashaantidii aamuska lagu meheriyey”.

Sidoo kale, gaadiidleyda waxaan ugu baaqaynaa maadama nidaamkii shaqadoodi gabay iney is xilqaan sameyaan oo ilaaliyaan waddada inta shaqadu socoto, maadaama ay iyagu yihiin kuwa ugu badan ee isticmaali doona. Ha laga fogaado waddo-marista khaldan ee dhaawici karta shaqada socota.

Waddadu waa hanti inaga wada dhaxaysa—aan wada ilaashanno.

08/03/2026

Waxaan maanta booqasho ugu tegay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Abdirisak Ahmed Saed.

Guddoomiyuhu wuxuu door muuqda ka qaatay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda gobollada Puntland.

Waxaan uga mahadceliyay Shaqada adag ee uu bulshada u hayo.

08/01/2026

Muqaalka guud ee xuska 28 sano guurada Puntland🇸🇱

08/01/2026

🇸🇱🔥

08/01/2026

🇸🇱

Address

Fairgreen Circle
Columbus, OH

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caarif jama posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share